ibrahim
|

Dr Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka digay halista Cudurka Cagaarshowga.

Muqdisho 28-07-2012—Iyadoo Maanta ay ku beegantahay maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Cagaarshowga ayaa masuuliyiin ka tirsan Caafiimaadka ka hadlay Qatarta cudurkaasi leeyahay iyo qaababka looga hortagi karo faafitaankiisa.

Dr Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo qiimaha maalintan ay u leedahay bulshada ka halday ayaa sharaxay waxyeelada Cudurkaasi iyo sida looga hortagi karo,waxaana uu tilmaamay Dr Dufle in cudurkani uu leeyahay daawo waxa inta badani dhaliyana ay u badan yihiin dufanka oo beerka ku bata.

‘Maanta waa maalintii loo asteeyay cagaarshoowga,Kani waa cagaarshoow waana kaaga dhowyahay sidaad u maleyneysid dhibaatadiisa waa mid aan la soo koobi Karin ’ayuu yiri Dr Dufle.

Cudurka Cagaarshoowga ayaa waxaa uu inta badani dhibaato ku hayaa dadyoowga ku nool qaarada Africa waxaana uu soo ritaa tiro dad ah xili kasta isagoo aan u kala saarin da’da iyo midabka,waxaana dhaqaatiirtu ay intabadani soo saaraa digniino ku aadan ka hortagidisa.

xigasho R:M

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=900

Posted by on Jul 28 2012. Filed under Caafimaadka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan