Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Muxuu yahay Cudurka Ebola ee Uganda ka dilaacay.?

Cudurka Ebola waxa uu ka mid yahay cudurada la xiriira qandhooyinka dhiig-baxa ee keena feyral-ka (Viral Hemorrhagic Fevers) waxa waaye koox cuduro oo keena feyruus badan oo kala duwan.
Cuduradan waxay ku dhacaan qaababka xubnaha kala duwan ee jirka isla hal waqti. Waxay waxyeelo u geystaan mariinada dhiiga, iyo carqaladeynayaan awooda hab u socodka jirka.
Qaar ka mid ah cudurka Viral Hemorrhagic Fevers waxa ay yihiin kuwo baaba’a, laakiin kuwo kale waxay noqon karaan kuwo raaga. Badanaaba waxay dhaliyaan dhiig-bax, iyo waxyaabo kale oo lagu garto. Dhiig-baxa aad buu u yaryahay in uu sababo dhimasho.

Hadii aan soo koobo cuduradaan qandho dhiig baxa ah waxaa ka mid ah:
• Cudurka dhiig dureerka ee loo yaqaano Ebola
• Marburg
• Lassa
• New World arena viruses
• Machupo (Qandhada loo yaqaano Bolivian hemorrhagic fever)
• Junin (Qandhada loo yaqaano Argentine hemorrhagic fever)
• Guanarito (Qandhada loo yaqaano Venezuelan hemorrhagic fever)
• Sabia (Qandhada loo yaqaano Brazilian hemorrhagic fever)
• Rift Valley Fever
• Indho Caseeye (Yellow Fever)
• Kyasanur Forest disease virus
• Omsk hemorrhagic fever.

 

Dhibaatooyinka ka dhasho Ebola

·         Shook  “Shock

·         Dhicinta uurka “ Aborption”

·         Dhego beelid  “ Hearing Loss”

·         Infekshan ku dhaca wadnaha “Carditis”

·         dhibaatooyinkaan uu dhaliyo Ebola xadi wax ey gaari garaan 90%

Sidee aad ku qaadi karta cuduradan?
Sida caadada ah, dadka waxay cudurkan VHF ka qaadaan shillinta, kaneecada ama jiirka. Dadka waxa cudurkan qaadi karaan marka ay soo gaaraan kaadida, saxarada iyo waxyaabo kale ee ka yimaada jiirka cudurka qaba. Dadku waxay kale oo ay ka qaadi kara cudurka VHF qaniinyada kaneecada ama boodada, ama burburinta shillinta. Mararka qaarkooda, ma cada sida dadka ay cudurkan u qaadaan.

Ma ka qaadi karta cuduradaan dad kale?
Qaar ka mid ah feyruusyada cudurka VHF – oo ay ka jiraan Ebola, Marburg iyo Lassa – waxay ku faafin karaan cudurka qof ilaa ka qof. Ayaga waxay ku faafiyaan dadka la leh xiriirka dhow dadka qaba cudurka ama dheecaanka jirkooda. Dadka waxay kale oo ay ka qaadi karaan waxyaabaha soo gaara cudurka sida irbidaha ama siliingo.

Halkee cudurka Ebola ku faafaa?
Cudurakaan markii ugu horeysay ka soo if baxay wadanka congo awalne la dhihi jira Zaire 1976 , magacane uu ka qaatay meesha uu ka soo bilowday oo la dhaho Ebola oo ah tuulo ku taalo wadanka Zaire , wadamada  kale eeuu ku faafo waxaa ka mid ah Congo, Gabon, Sudan gaar ahaan koonfurta sudan ayaa laga soo sheegay 1979 , Ivory Coast, Uganda oo ah   meesha uu hada  ka dilaacay cudurkaan Ebola.

Maxaa ka mid ah calaamadaha lagu garto cudurka Ebola?

 

Cudurka inta uu jiro karo waa 2-21 maalmood

  • Qandho
  • Madax xanuun
  • Kalabaxyo xanuun
  • Murqo xanuun
  • Tabardarri
  • Shuban
  • Matag
  • Calool xanuun
  • Nabro Jirka ka soo yaaca
  • Indhaha oo gaduuta
  • Hingo (hiccup)
  • Dhiig ka yimaada jirka gudihiisa ama banaankiisa
  • Qanjirka qoorta oo bararaan
  • Wadno xanuun
  • Qunfac
  • Infekshan ku dhaco quumanka
  • Qofka oo galo kooma

Sidee la igu ogaan karaa inaan cudurkaan qaaday?
Waxaa jita dhawr baaritaano oo ay ka mid tahay ELISA, PCR, in la isticmaalo Complete Blood Count “ CBC” taasoo lagu ogonaayo wax la dhaho Leukopenia, Lymphopenia and Thrombocytopenia. In la sameeyo Baritaan beerka shaqadiisa ah “ Liver Function Test”

 

 Ma laga hor-tagi kara cuduradan?

Tallalada ayaa loo helaya qaar ka mid ah cudurada VHF, waxa ku jira cudurka indho caseeyaha. Baaritaanka tallaalka waxa lagu sameeyey feyruusyada kale ee Viral Hemorrhagic F. Meelaha laga helay cudurkan ee dabiiciga ah, dadaalka lagula dagaalamo kaneecada iyo shillinta waxay caawin karan ka hor-taga qaar ka mid ah noocyada cudurka Viral Hemorrhagic Fever.
Laakiin maadaama cuduraka Ebola aan loo haynin wax tallaal ah waxaa lagula talinayaa dadka ku nool meeshuu ka dilaaco inay ka baxaan dadka qabana la karantiilo, inta la joogtane inay ka fogaadaan dheecaanada bukaanka iyo inay xertaan dhar ka hortag ah, sida  galoofiska gacmaha la gashto, iyo san gashiga wajiga..

Wax daawo ah ma leeyahay cudurka Ebola?
Nasiib xumo ilaa iyo hada wax daawo ah lama hayo, inkastoo dadka qaba cudurkaan la siiyo daawooyin kaalmaati ah sida: fuuq celin, cadaadiska dhiiga oo la kontoroolo, Oksajiin in la siiyo qofka iyo in laga daaweeyo infekshanada kale ee la socda cudurka.

W/D:- Dr.Mohamed Mohamud Derow

Madaxa Qeybyta Caafimadka 

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=1233

Posted by on Jul 31 2012. Filed under Caafimaadka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented