ibrahim
|

Wax kabaro Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo.


Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo

 

STD waxaa laga soo gaabiyay “Sexually Transmitted Diseases”, STD-yada waxaa sidoo kale loo yaqaannaa cudurrada xubnaha galmada. Waxaa sababa jeermis ku nool maqaarka ama dheecaannada jidhka sida shahwada, dheecaanka siilka ama dhiigga. Jeermiska waxaa gudbiya qof bukka badanaa siday uga gudbaan, waa isu ag/galmo, maqaar, dhiig, ama dheecaan jidh.
Jeermisyadaan waxay jidhka ka geli karaan siilka, afka, futada, iyo boogaha ama meelaha dillaacsan ee furan.
STD-yada laguma faafiyo is taabasho caadi ah, barkadaha dabbaasha ama ku fadhiisashada fadhiga musqulaha.

Calaamadaha STD-yada
Calaamaduhu waxaa laga yaabaa in ay ku dhacaan maalmo, toddobaadyo ama bilo marka cudurku qofka ku dhaco. Ragga iyo haweenka qaarkood ma laha calaamado laakiin waxay qabi karaan STD waxayna u gudbin karayaan dadka kale.

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:
# Gubasho marka la kaadinayo
# Nabro ku sameysma cowrada sida dillaacyo ama toxobeysi
# Xonqorro
# Finan yaryar oo ka soo yaaca jirka
# Dheecaanka ka yimaada guska ama siilka
# Xanuun uur ku jirta ah, badanaa haweenka ku dhaca

Noocyada STD-yada
Jabto/jabti
Waraabow
Herbis (Herpes)
Kalaamiidiya (Chlamydia)
# Beer xanuun (Cagaarshowga B iyo Cagaarshowga C)
Cudurka loo yaqaano aydhiska
Human Papilloma Virus (HPV ama xonqorrada cowrada)
Jankaroyd (Chancroid)

Ka hortagidda STD-yada
Ka fogaanshada, ama xiriir galmo la’aan, ayaa ah habka ugu wanaagsan ee hortago faafidda STD-yada, ama in aad isticmaasho Condom.

 

Baaritaanka
Waa in lagaa baaraa STD-yo haddii:
# Aad sameysay galmo aan sharci aheen.
# Aad dad la wadaagtay irbado si aad isugu durto mukhaadaraad ama galmo sameysay qof          dadka irbadaha la qaybsada.
# Aad dareemeyso in aad la kulantay ama leedahay calaamadaha STD.

Waxaa STD kaa baari kara takhtarkaaga ama waaxda caafimaadka deegaanka.
Baaritaannada STD-yada waxaa badankooda loo sameeyaa si qofka lagu garanin.

Daryeelkaaga
STD-yada badankooda waa la daaweyn karaa. Qaarkood  daawo ayey lee yihiin  laakiin qaar ayaan la daaweyn karin. Daawooyinka waxaa loo isticmaali karaa si ay gacan uga geystaan calaamadaha cudurkana uga celiyaan inuu ka sii daro.

Iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga:
# Ka fogow xiriiro galmo ilaa aad adiga iyo lammaanahaaga la idin daweeyo.
# Antibiyootikada u qaado sida lagu faray ilaa lagaa daaweeyo. Hubso in aad qaadatay dhammaan daawooyinka takhtarkaagu kuu qoray.
# Marka aad dhammaysatid antibiyootiga, sadex todobaad ka dib takhtarkaaga ballan ka qabso si laguugu celiyo baaritaankii.
# Ku soo noqo Waaxda Gargaarka Deg-degga ah ama wac takhtarkaaga haddii calaamadahaagu ka sii daraan ama qandho ka sarreysa 101 darajo F ama 38 darajo C ay ku qabato ( waa cabir lagu cabiro heer kulka jirkaaga kuleelkiisa).

 

W/D :- Dr.Mohamed Mohamud Derow

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=1345

Posted by on Aug 2 2012. Filed under Caafimaadka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented