ibrahim
|

Godob guur iyo murugo qoys: “qiso naxtin leh” (la soco Qeybtii 2aad)

malintii dambe oo ay aheyd in lasiiyo  gabadha yimadeena guriga ayaa waxa uu odayga u sheegay in uu doonayo inuu siiyo gabadha balse waxa uu weydiiyay in ay baraan ninka uu siinaayo gabadhiisa  kadibna maxa dhacay
waxa sharaxaya maxamed c/laahi xasan oo gabadha walaala ahayeen .”ninku waxay dhaheen waa nin muhaajir ah oo afganistaan ka yimid wajigiisana lama furaayo waa xaraan in la furo ,gabadha silaamku ka soo dontay ma sinee  ama ma sinaysid aabe waxa uu ku yiri nin cadaan ah oo meel aan u raacdo aan aqoon ma siinaayo gabadhayda markiiba meesha ayayba handadaad ku sameyeen oo midiyo qarqaroofan ayay la soo baxeen oo afbadan waxayna dhaheen qoyrta ayaan ka goynaynaa murtadaa tahay gabadhana waan wadanaynaa haa nin cadaan ah gabadhaada ma sinaysid miyaa ? aabe ayaa ku jawaabay ma siinaayo nin cadaan ah gabadhayda waxaana sinayaa nin somali ah oo aan garanaayo meel aan u raacdo saas markay dhacday hadana odaygii ayay garba duub u xireen maro weyn ayayna wajiga uga dubeen gabadhana soo bixiya ayay dhaheen saas markay dhacday hooyo ayaa ku tiri ninkii turjumaanka u ahaa ajnabiga war gabadha wata oo odayga siidaaya wayahay ayay yirahdeen  aabe waxa uu yiri gabadha soo laguma mehrinaayo ninka oo culimo ma la donaayo waxayna yirahdeen waxaas ma jiraan amarku waa diini gabadhuna saas ayay ku mehersan tahay hadii amiirka iyo gabadha isracaan waa lagaa qabaa gabadha ”

amakaaga qoyska dhan haystay waxa uu ku koobnaa sida ay uga xumayeen in gabadhooda uu si qasab ah kaga kaxeysto nin ajnabi ah oo ayna garaneen waxa uu yahay iyo meel ay u raad racaan toona .
hasa ahatee xaladu waxa ay ka sii dartay marka uu soo baxay war ku saabsan in gabadhii gabi ahaanba qoorta laga gooyay maxayse arintu sidaas u noqotay waa kan markale maxamed c/laahi xasan “”””””marka ay guriga geysteen oo ay naga wateen oo mudo naga maqneed waxaan wacnay talefonkeeda waxa naga qabtay ninkii ajnabiga ahaa waa uu nagu damiyay ,gabadhii meel aan kala xiriirno waan garan weynay markii dambe waxaan wacnay ninkii turjumaanka u ahaa ajnabiga waxaana dhahnay waxaan rabnaa inaan la hadlno oo la xiriirno gabadhayna waxa uu yiri gabadhiina amarka islaamka ayay jabisay ninkii muhajirka ahaa oo amiirka noo ahaa oo la siiyay ayay diiday marka qoyrta ayaa laga jaray weyna dhimatay gabadhaas ee samir iyo imaan alahaa idinka siiyo , marka aabe dhiikar ayuu qabay arintaas markay dhacday oo uu maqlay habeenkii oo dhan waa la haayay “wuu xanuunsanaa” markii deambe wuu dhintay anaga gabadhii meedkeeda meel aan u raacno waan garan weynay iyo meel ay ku qasheen markii aan dhahnay nasiiya meedka aan ku qanacnee waxay dhaheen ma jiraan waxaas marka waxaa noo cad in ay qaleen gabadha hadii ay diiday ninkii cadaanka ahaa ,waxay soo dirtay masej dilkeeda ka hor oo waxa ay tiri ninkaan xaraan ayuu rabaa inu iigu galmoodo mana ogolaan doono waan ka soo dhumanayaa ee aabe samir marka hadii ay diiday inuu u galmoodo ninka ajnabiga ah sidaas in lagu goracay ayaan u malenayaa “””””
qoyska reer c/laahi xasan oo wajahay xalad mugdi ah mar hadii ay wayeen abahood c/laahi xasan iyo gabadhoodii heerka sare ka gaartay waxbarashada ee shukri c/laahi xasan waxa ay go,aan ku gareen in ay isaga tagaan magalada muqdisho ayna adaan xerooyinka qaxootiga ee kenya waxaase go,aankaasi diiday maxamed c/laahi xasan oo ku qasbanaday in uu u fikiro sida uu uga aar goosan lahaa  kuwii badan xalada madow isagoo ka codsanaayo dowlada kumeelgaarka somaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ku gargaraan sida uu xisaabtan ula gali lahaa kuwii ka dambeeyay xalada murugada badan ee lasoo gudbonatay qoyskiisa waxuuna yiri”””nimankaan cadowgeena ah ee xaraanta ku wadanaaya gabdhaheyna somaliyeed ww muslimiinta ah kuna qarabanaaya magacdimeed waa inaan iska dhicinaa cis walibana waxaan ka codsanayaa inay igu gacan siiso sidii aan xisaabtan ula gali lahaa kuwaan imaja xabiyay ibadayna nolosha aan hada ku nolahay “””””””””””

soo ifbixida qisadaan naxtinta iyo argagaxa leh ayaa imanaysa xili dadka somaliyeed ay isla dhexmarayaan mudooyinkii dambe oo dhan falal ka baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomalida oo ay soo kordhiyeen kooxaha ajaanibta ah oo sidoo kale ku taba baray dhalin yaro somali ah in si

qasab ah ay u ka xeystaan gabdho somaliyeed iyadoo diin looga dhigaayo inaysan u bahneen wax fasax ah oo ay ka helaan qoyska ay gabdhahaasi ka soo jedaan .

Wariye Ahmed Abuukar “Azhari”

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=1968

Posted by on Aug 7 2012. Filed under Layaabka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan