Duran Farah” isma dhiibin Zamzam iyo Maxamed, warkaasna waa been”
Gudoomiye Duraan Faarax oo aan wada hadalney kadib markii Universal TV shaacisey galabta inay is dhiibeen labadii ciyaaryahan ee dalka Soomaaliya uga qayb galey cayaaraha Olambikada London 2012 ayaa ii sheegay inaysan jirin cid is dhiibtey, warkaasna uu yahey mid ka fog xaqiiqda oo aan run aheyn,islamarkaasna ay marayaan habeenimada Axada xiritaanka cayaaraha Olambikada London 2012.
Docda kale waxaan xiriir la sameeyay suxufiga Cabdixaafid Maxamuud oo ahaa ninkii warkaan ka soo direy galabta xaruunta Wasaarada Arimaha Dibadda dalka Ingiriiska ayaa i sheegay inaysan is dhiibin ciyaaryahanada kale ah Zamzam iyo Maxamed, balse markaad eegto wareysiga ay bixiyeen iyo hadalada ay ku hadleen ay u eg tahey kuwo qorsheynaya inay joogaan magaalada London,madaama ay u baqayaan amaankooda marka ay ku laabtaan magaalada Muqdisho.
Soomaalida meel kasto ay joogto iyo saxaafada ayaa warkaan uu gaarey, kuwaasoo aragtiyo kale duwan ka bixiyay aragtidooda, dadka intiisa badan aad ayay ugu xumaadeen in ciyaartooydii dalka mataleysay ay gacmaha dhiibtaan, halka dadka intiisa badan ay garan karaan in amaankooda qatar uu ku jiro, madaama dalkii uusan laheyn dowlad sugi karta amaanka muwaadiiniinta Soomaaliyeed.
Kolay iyo koley wixii jira cakaaro iyo sspamedia ayuu imaan doonaa bal aan ka war sugno ilaa axadda soo socoto oo ku eg cayaaraha, docda kale 70% dadka isboortiga ah ee maanta caalamka jooga waxay ku soo baxeen ka qayb gal tartamo caalami ah iyo waxbarasho, marka lama yaabayo hadii ay isdhibaan Zamzam iyo Maxamed, waa inaan u garoownaa xaaladooda, waayo xalay hadalkii Cabdi Bile hadaan dib ugu laabto wuxuu leeyahay in aan ka fekerno mustaqbalka ciyaartooydeena insha Allah.
Saacadaha soo socdo ayay shir jaraaid ku qaban doonaan waa sida uu sheegay Duraan Faarax sii hayaha GOS oo saacad ka yar wada hadleynay.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2298

