Liverpool oo soo gabagabeeysay heshiiska ciyaaryahan Allen.
Kooxda kubada cagta Liverpool ayaa xaqiijisayay in ay soo gabagabeysy heshiiska ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Swansea Joe Alle.
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Swansea ayaa habeenkii khamiista ahaa ku sugnaa garoonka Anfied, isagoona daawanayay ugtii labadaa ee koobka loogu soo baxayay 0 Europa League kooxda Reds 3-0 uga badisay kooxda FC Gomme.
22 jirkaan ayey kooxda Liverpool ku qaadatay qiimo lacageed oo gaaraya £15million, iyadoona uu haatanba maray tijaabadii caafimaadka ee kooxda.
Allen ayaa kooxdiisa cusub u saxiixay mudo dheer qadanaya , wuxuuna kooxda website-keedu ku sheegay in uu ku faaraxsanyahay in uu ku soo biiro Liverpool, isla marakaana aan la midoow macalinkiisi hore .
Ciyaaryahan Allen ayaa noqonaya ciyaaryahankii labaad ee Tababare Rodgers uu la soo wareego, waxaana hore uu kooxda Swansea uga so qaatay ciyaaryahan Fabio Borini .
W/D Faysal Maxamuud
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2323