|

West Ham oo la soo wareegtay Alou Diarra .

kooxda West Ham ayaa sheegtay in ay kala soo wareegtay kooxda Marseille ciyaaryahaanka qadka dhexe ee udhashay dalka France Alou Diarra .

Diarra ayaa kooxda Hammers u saxiixay maanta oo jimco ah heshiis 3 sano ah oo ku kacaya £2million.

Ciyaaryahan Alou Diarra ayaa u sheegay website-ka kooxda in uu ku faraxsanyahay in uu ku soo biiro kooxda West Ham, isla marakaana uu ka ciyaaro Premier League.

“Waxaynu iminka ka mid nahay kooxaha ciyaaraya Premier League , waxxaana kooxda usoo ciyaaray ciyaaryahano magac leh sida Paolo Di Canio iyo Scott Parker sidaa waxaa yiri Diarra.”

Ciyaaryahnakaan ayaa hore 3 sano oo heshiis amaah ah ugu soo ciyaaray kooxda Liverpool , ka hor inta uusan dib ugu laaban dalka France , xiligaasi oo naadiga la qabsan wayayay.

 W/D Faysal Maxamuud 

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2327

Posted by on Aug 10 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented