Juventus oo ku guleysatay Super cup ee Talyaniga.
Juventus ayaa 4-2 kaga badisey kooxda Napoli kuna guuleysatey markeedii 5aad koobka Super cup ee Talyaniga .
Waxaa ciyaar xiiso badan dhex martey labada koox ee kala heysta koobka talyaaniga ee Napoli iyo kooxda heysata horyaalka oo ah Kooxda Juventus . 90,ka daqiiqo waxaa la isla mari waayey min 2 gool oo ay markasta ku hormareysey kooxda Napoli.
Laakiin waxaa laba jeer kaarka guduudan la siiyey labo ciyaartow oo ka tirsan kooxda napoli. waxaa lagu darey waqti dheeri ah ciyaartiina waxaa ay guusha 4-2 ku raacdey kooxda Juventus.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2392