|

Maamulka Khaatumo State oo ku Wareejiyey Soomaaliland Maxbiis Dagaal Horey lagu qabtay Dagaal ka Dhacay Buuhoodle.+Saworo

Waxaa Maantay Magaalada Buhoodle ee xarunta Gobalka Cayn lagu wareejiyey maxaabiis ka soo jeeda Somaliland oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Khaatumo laguna soo qabtay dagaaladii dhawaan bilihii aynu soo dhaafnay ka dhacay duleedka Buhoodle ee dhex maray Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka Buhoodle,

Maxaabiistan oo dhamaa Afar nin ayaa lagu wareejiyey Hay’adda Bisha Cas iyo qaar kamid ah cuqaasha Magaalada Buhoodle kuwaas oo geyn doona degaanka oog oo ay jogaan maxabiis uu Maamulka Somaliland ka hayey dadka degaanka Buhoodle iyadoo maxaabiistana lagu soo wareejin doono hay’adda Bisha cas iyo odayaasha reer Buhoodle ee iminka wax ka qaaday Maxbiista reer Somaliland,

Shacabka ku nool Magaalda ayaa dareen farxad wata ku soo dhaweeyey Maxaabiista dib loogu soo celinaayo degaanadoodii ee reer Buhoodle oo tiro ahaan ka badan kuwa laga haystay Maamulka Somaliland, Sidoo kale qoysaska ay ka soo jedeen Maxbiista reer Somaliland ee la wareejiyey ayaa dareen lamid ah kan dadka reer Buhoodle ku soo dhaweeyey soo celinta Maxaabiista reer Somaliland,

Maahan Markii ugu horaysay ee Maxaabiis degaanadaasi u dhalatay lala kala wareego waxayna tan u danbaysay ka dhalatay wada hadal dhex maray Maamulka Somaliland iyo Hogaanka kooxdii SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalada Hargaysa,

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili ciidamadii Maamulka Somaliland ee ku sugnaa duleedka Buhoodle dib uga ruqaansadeen degaankaas illaa 30km, Lama oga inay arintani keeni karto nabad ka asaaxda degaanadaas ay colaaduhu ragaadiyeen.

Hoos Ka Daawo Sawirada Maxaabiista Oo Maamulka Khaatumo State Wareejinayo

xigasho: caalami

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2379

Posted by on Aug 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented