Mo Farah oo Caawa guul weyn soo hoyey.
Mo Farah ayaa Caawa xaqiijiyay Hamigiisa dhanka Isboortiga ka dib markii uu ku guuleestay Orodka 5000m ee Caawa Ciyaaraha Olombikada Aduunka 2012.
Kulanka Caawa oo ahaa mid la wada sugaayay ayaa Mo waxa uu kula tartamay Bernard Lagat oo Asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya balse u ciyaarayay USA.
Finalka Caawa oo ahaa mid wal wal xoogan laga muujinayay dhinaca Mo Farah, ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay waxaa Neefta kasoo foqday Kumamaam Soomaali iyo Britian ah ka dib markii uu Mo Farax Hogaanka qabsaday.
Taariikhda inta la ogyahay ma dhicin nin Asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya oo waqtiyo isku xigta ku wada guuleesta tartanka 10000 iyo 5000, ee Ciyaaraha Olombikada Aduunka.
Mo Waxa uu Taariikhda Isboortiga ka galay Baal dahab ah, Waxa uuna Mar kale Caawa Qaboojiyay Dareenka Kumanaanka Taageerayaashiisa.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2411