|

TOTTENHAM OO LENNON U ISTICMAALEYSA JULIO CESAR.

Kooxda kubada cagta ee Tottenham ayaa soo bandhigtay kooxda inter qorshe ay ku doonayso in ciyaaryahankeeda Lennon ay kaga badalato goolhaye Julio Cesar

Macalinka cusub ee kooxda Spurs boss Andre Villas ayaa doonayo in uu iska fasaxo Ciyaaryahanka reer England oo isaga in muddo ah ku soo qaatay garoonka White Hart Lane.

25 jirkaan ayey kooxdiisu doonaysaa in ay ku soo badalato goolhayaha xulka Brazil EE U Ciyaara koxda inter ee ka dhisan dalka talyaaniga , sidaana waxaa qoray wargeyska lagu magacaabo La Gazzetta Dello Sport.

Tottenham ayaa horeyba u shaacisay in badelka ciyaarayaahnkaasi baadi goob ugu jirto , isayadoona bartilmaameed ka dhiganaysa xidigaha kala ah Loic Remy oo u ciyaara kooxka Marseille iyo Alan Dzagoev oo isan u ciyaara CSKA Moscow.

W/D FAYSAL MAXAMUD 

WWW.QUBANAHA.COM

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2431

Posted by on Aug 11 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented