|

Xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C.casiis oo si rasmi ah loogu wareejiyay Booliska ka socda Midowga Afrika.

Munaasab ay ka qayb galeen masuuliyiin sar sare oo dowlada ka tirsan iyo saraakiil AMISOM  ah oo maanta ka dhacday xarunta gaadiidka booliska ee degmada C.casiis ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamo boolis ah oo ka socda midawga africa.

Munaasabada ayaa masuuliyiintii ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka C.samad macalin maxamuud  taliyaha ciidamada booliska soomalia sareeye guuto shariif shiikhuna maye iyo taliyaha ciidamada booliska AMISOM ninka lagu maga caabo oyo nyeko waxaana munaasabad ay ahayd mid ciidamada booliska AMISOM lagu dajinayay fariisimo gudaha Magaalada Muqdisho .

Wasiirka arimaha gudaha ayaa waxaa uu goobta ka sheegay in ciidamada booliska AMISOM la kala gey doono saldhigyada booliska gobolka banaadir xero gaadiidna uu noqo doono fariisinka ugu wayn ee ay dagi doonaan .

Taliyaha ciidamada booliska AMISOM oyo nyeko ayaa isaguna waxaa uu sheegay in ciidamada maanta lagu wareejiyay xero gaadiid ay yihiin kuwa hor dhac ah oo ka yimid wadanka yugaanda hada ga dibna shaqooyinka ay qabanayaaan ay ka mid tahay in ay ilaaliyaan amaanka madaxda dowlada iyo gacan siinta ciidanka booliska soomalia .

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2383

Posted by on Aug 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented