|

Beelaha Reer Shabelle oo sheegay in la iibsaday xubinta ay ku lahaayeen Baarlamaanka Cusub.(Warsaxaafaded)

Kulan ay magaalada Muqdisho ku  yeesheen Ugaasyada, N/doonada, Aqoonyahanada, iyo Culumaa’udiinka ee Beelaha Reer Shabelle oo kala ah jufooyinka kulanle iyo Badbedaan  waxay kaga hadleen qaabka soo xulista Xildhibaanada waxayna saxaafada u sheegeyn in aysan ku qanacsaneen soo xulida xubnaha Barlamaanka cusub.

Ugaas Muxumad Xasan Daa’uud oo ah Ugaaska Beesha Reer Shabeele oo Radio Shabelle la hadlay ayaa waxa sheegay in wax la tashi ah oo asaga Lala sameynin qaabka loo soo xulay Xildhibaanka beesha u matalaaya Barlamaanka Cusub, isla markaana aan jirin wax xubin ah ay ku yeesheen maadaama uu sheegay xubintii ay  lahaayeen laga iibsaday Nin aan ka soo jeedin Beesha Reer Shabeele, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadaan nahay Beesha Reer Shabeele waxaa dhacday in Ergadii la soo xulay qeyb aan ka helnay hal xubin xildhibaan oo ka mid xildhibaanada Jareerweyne , ayey ku qoraan Dr Adan Xaaji Ibraahim oo ah ninka ay gudbiyeen Sadaxda odayaasha dhaqanka ee u matalaya  beelaha jareerweyne ee ka midka ah shirka 135 oday, Dr.Adan maaha qof u dhashay ama matala Reer Shabeele, shaqsigaas ayaa u dhashay Beesha Karanle oo tirsan beesha Murasade/ Hawiye,  waan diidnay nama matalo mana ogolin qaabka lagu sheegay in uu ku noqonayo Xildhibaan ka soo jeeda reer shabeelle” sidana waxa yiri Ugaas Muxumad Xasan Daud.

Sidoo kale Ugaas Ibraahim Axmed iyo  Cabdulaahi  Ciid ayaa ayaguna waxay sheegeen iney jirto isdawa marin ay sameeyeen dad ay sheegeen iney Beesha Jarer weyne ugu qeyb galeen soo xulida xubnaha   waxaana  sheegen sidoo kale inaanan marbana aqbali doonin in xubin ay  lahaayeen ay Beel kalo ay qaadato waxaa intaa ay ku dareen in arintaasi loo baahan yahay Beesha Caalamka iyo Dowlada ku meel gaarka ay soo fara giliyaan gaar ahaan Gudiga Khilaafaadka, isla markaana ay u soo celiyaan xubintooda hadii taasi ay dhicin bey yiraahdeen waxa ka dhasha waxaa dusha u ridan  doonta  eedeyda cidii arrinkaaswi Falkisay.

“waxaan ugu baaqeynaa Gudiga qilaafaadka in ay jooji yaan Ninkaasi aysan meeshaasi ay ku qorin Ninkaasi wuu iibsaday Lacag ayuu kala baxay Jareerna ma ahan waa Nin Habiya ah Nin Habiya kursiga Reer Shabeele ma qaadan karo” sidaana waxaa raaciyay Cabdulaahi Cumar Ciid.

Tan iyo markii  la ansixiyey Dastuurka  isla markaana la guda galay soo xulida Baarlamaanka Cusub ayaa waxaa isa soo taraya cawasho balaaran oo ay ka soo yeereysa qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo sheegayey in la musmaasuqay  qaabka soo xulista xubnaha u matalaaya baarlamaanka cusub.

Akhriso Magacyada Ku saxiixan War saxaafadeedka.

Ugas Abdi Husein Aidle

2 Ugas Sheik Muktar Abdi Roble

3 Suldan Dire Mohamed

4 Ugas Moh’med Da’ud Hasan

5 Suldan Omar Aid

6 Mohamed Ibrahim Dukow

7 Nabadon Ali Badal Farah

 www.qubanaha.com

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2473

Posted by on Aug 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented