|

Howl galo dad lagu qab qabtay oo Muqdisho ka dhacay.

Howlgallo lagu soo qabtay tiro Dad ah ayaa Ciidamo ka tirsan DKMG waxa ay xalay ilaa shalay gallinkii dambe ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Waxaa ka qeyb qaadanayay howlgalka ciidamada Booliska, Nabad sugidda iyo kuwa Degmadaasi, waxaana ay kusoo qab qabteen tiro dad ah oo aan la shaacin sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada DKMG ah.

Inta badan dadka lasoo qab qabtay ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyaro kuwaasi oo lagu eedeeyay ku lug lahaan shaha qaraxyo iyo weeraro Degmadaasi ka dhacay.

Ciidamada howlgalka sameynayay ayaa guri guri iyo goobo bar tilmaameed ah ka sameynayeen iyadoo howlgalkana uu ahaa mid balaaran.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2454

Posted by on Aug 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented