SOJASA oo war saxaafaded ka soo saartay dilalkii ugu danbeyey oo Wariyaal loogu geystay xamar.
iyadoo mudooyinkii u danbeysay ay soo badanayeen dilalka loo geysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl kalaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi wax laga xumaado oo aad u fool xun ku tilmamay Urur weynaha saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Africa (SOJASA).
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee South Africa uu ku leeyahay magaalada Cape Town ayaa lagu canbaareeyay dilalkii qorsheesnaa ee shalay iyo xalay lagula kacay laba saxafi oo si ula kac ah loogu dilay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ururka SOJASA mudane Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la cirirb tirayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu doorka roon isla markana la xabad siibayo kii runta ka sheego siyaasadaha guracan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.
C/risaaq Yuusuf Kambaala oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed oo si iskiis ah masaafuris ugu maqan dalka ayaa sheegay in aqoon durugsan uu ulahaa Allaha u naxariistee Wariye Buneyste oo isagane xalay lagu dilay magaalada muqdisho. halka wararka qaar ay sheegayaan in wariyaha ay haleeshay xabad wiifto ah isagoo marayey wadada laamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee dilalka saxafiyiinta ayaa qeyb ka ah dilalka qorsheesan ee lagu ciribtirayo wax garadka dalka Soomaaliya iyadoo taasi ay sababtay in saxafiyiin badan ay isaga cararaan dalka kuwaaso oo magan galyo ku jooga dalalka caalamka.
Koonfur Africa (SOJASA).
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2628