Cidamo ka tirsan Dowlada oo Tababar loo soo xiray.
Wasiirka wasaaradda Difaaca mudane Xuseen Carab Ciise ayaa maanta tababar u soo xiray in ka badan 600 oo askari oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda, kaddibna casharro lagu siiyay magaalada Muqdisho.
Munaasabad lagu qabtay xerada Ciidamada XDS ee warshadda Nacnaca oo ayay 602 askari oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxa ay ku soo bandhigeen xirfadaha ay barteen, sida la dagaallanka cadowga, soo qabashada dambiilayaasha gaadiidka ku baxsada iyo diifac iyo weerar aan hub loo adeegsaneynin.
Taliyaha ciidanka XDS Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ciidanka ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen, isagoo ku baraarujiyay in dadka iyo dalkuba ay u baahan yihiin in laga dul qaado Al-Qacidda oo dhibaato badan ku haaya. Isagoo u sheegay in ay qaadan doonaan msuhaarkooda 4tii bilood ee la soo dhaafay.
Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise ayaa ciidamada tababarka ku soo qaatay Xerada Bihaanga ee dalka Uganda u sheegay in cadowga Soomaaliyeed uu ka naxaayo in waddanku uu yeesho ciidamado sidaan u tababaran. Isagoo ciidamada qalabka sida ku amaanay howl galka ay dalka uga saarayaan maleeshiyaadka Shabaab iyo Al-Qacidda.
Munaasabadda ciidamada tababarka loogu xirayay waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday Kun askari Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda ee UNPOS.
Xigasho : RM
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2678