|

Ciyaaryahan Felipe Melo oo ku biiray kooxda Galatasaray .

Kooxda lagu naanayso marwada duqda ee Juventus ayaa shaacisay in ciyaaryahankeeda qadka dhexe  Felipe Melo hal sano oo amaah ah u saxiixay kooxda ka dhisan talka Turkiga ee Galatasaray .

Felipe Melo ayaa baaqi  ku sii ahaandoono hal xili oo kale kooxda Galatasaray, ka dib markii kooxda iska leh ciyaaryahanakaasi ee juventus  ay webkeeda ku shaacisay in uu sanad kale usii ciyaarayo kooxdaasi.

Xiddigii  hore  ee kooxda  Fiorentina ayaa hore ugu soo qaatay muddo sanad heshiis ah , kooxdaasi ,iyadoo balaarinta heshiiskaanina uu yahay muddo 12 bilood kale , waxana arinkaan iskum afgartay laba kooxood .
 
Ciyaaryahankaan ayaa mushaar ahaa loo siin doonaa mudda sanadka ah ee uu la joogayo kooxda Galatasaray lacag dhan €6.5 ,

Melo ayaa 12 gool u dhalaiyay 36 kulan uu u saftay kooxda , waxayna taasi ay keentay in ay kooxdu ku qanacdo qaab ciyaareedka ciyaaryahnka.
W/D fayasal Maxamuud
www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2741

Posted by on Aug 14 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented