|

Kenya iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arimo Muhim ah.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiwei Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta kulan  la qaatay wafti uu hogaaminayo Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya Thuite Wmangi waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin iskaashiga ka dhexeeya labada wadan.

Ugu horayntii Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inay maanta soo booqdaan magaalada muqdisho.

“Aad ayan ugu faraxsanahay booqashadeena maanta waxaana u nimid inaan dib aan u howl galino safaaradeena, waxaa kale oo aan rabnaa inaan ka qayb qaadano howlaha soconaya oo ku saabsan sidii dalka loo xasilin lahaa isla markaan u xaqiijino joogitaankeena Muqdisho inuu macno weyn u samaynayo sidii dalka looga hormarin lahaa dhanka Amniga .

Sidoo kale waxa isna meesha ka hadlay wasiirka qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/laahi Goodax Bare wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen waftiga sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeyey labada wadan,  sida Hormarinta dhaqaalaha, Waxbarashada, Tababarada shaqaalaha dowladda, Dhinaca canshuuraha, iyo sidii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo siin lahaa tababaro.

Ugu danbayntii ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ah  ayaa uga mahadceliyey dowladda Kenya Sida ay gacan siisay dowlada oo  uu sheegay in ay kaalin ka qaadatay la dagaalanka Al Shabaab iyo  sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu soo dhaweyey dib u howlgalinta Safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho.,

www.qubanaha.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2684

Posted by on Aug 14 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented