|

Kooxda Liverpool oo rajo wayn ka qabta in uu ciyaaryahankeeda Skrtel uu heshiis cusub u saxiixo

Masuuliyiin ka tirsan Naadiga Reds  iyo difaaca  koxdaasi  Skrtel  ayaawaxaa  u socda wadahadalo la doonayo  in ciyaarayahanka looga dhaadhiciyo sidii uu heshiis cusub ugu saxiixi lahaa naadiga
Mustaqbalka ciyaaryahanaka ee naadiga ku ciayara garoonka Anfield  ayaa ah mid  aan sal lahayn , iyadoo isa soo tarayaan kooxo fara badan oo daneenaya saxiixiisa .
27 jirkaan u dhashay dalka Slovakia  ayaa ku soo biiray Liverpool  January 2008, wuxuuna xili ciyaareedkii la soo dhaafay ku guuleystay abaal marinta sanadka ee ah ciyaaryahanka ugu wanagsan  ee kooxda.
Martin  Skrtel ayaa heshiiska uu kula jooga naadiga waxaa ka harsan labo sano , lakaiin macalinka kooxda  Reds Brendan Rodge ayaa u arka ciyaaryahanaka lafdhabar ,  wuxuu doonayaa in uu ka saxiixo heshii mudo fod ah uu ku sii joogayo naadiga.
Kooxda Liverpool ayaa horaantii bishaan heshii mudo dheer qaadanaya u saxiixay ciyaaryahnkeeda lagu magacaabo Luis Suarez.
W/D Faysal Maxamuud
www.qubanaha.com
 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2667

Posted by on Aug 14 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented