Kooxda Wigan oo la soo wareegtay Arouna Kone.
Wigan ayaa shaacisay in ay gacanta ku soo dhigaty oo ay heshiis la gaartay weeraryahnkii kooxda Levante Arouna Kone
Kone ayey kula soo wareegtay kooxda Wigan lacag gaaraysa £2.7million, wuxuuna usaxiixay seddax sano oo heshiis ah oo ku joogayo garoonka DW Stadium.
28 jirkaan u dhashay dalka Ivory Coast ayaa tijaabo caafimaad u maray kooxda Wigan, iyadoo ay jireen kooxo fara badan oo doonayay saxiixa ciyaarayahankaan .
ciyaaryahana Kone ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu ku soo biiro kooxda Wigan, Madaama uu ku haminayay in uu ka ciyaaro horyaaalka England , oo ay ka xiyaaraan ciyaaryahano caan ah .
Kooxda wigan ayaa xili ciyaareedkii hore waxaa ay soo bandhigeen ciyaaro lalal jaabo , maadaama ay kooxo waawayn oo ku xisaabtamayay dhibcahooda ay ku hungoobeen.
W/D Faysal Maxamuud
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2745