Qaar ka tirsan Ciyaaryahanada kooxda Newcastle oo soo wajahay dhaawac.
Kooxda kubada Cagta Newcastle United ayaa shaki wayn laga muujinayaa in ay ka maqanana doonaan Ciyaaryahanada ay ka midka yihiin Yohan Cabaye iyo Hatem Ben Arfa Kulanka furitaanka horyaalka England ee ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham.Macalinka kooxda Newcastle Alan Pardew ayaa sheegay in ay kooxda soo wajahday caqbad la xiriirta dhaawacyo baahsan oo soo wajahay qaar ka mid ah ciyaaryahanada kooxda , wuxuuna sidoo kale uu shaki ka muujiyay in ay ka maqanna doonaan kooxda ciyaaryahanada ay ka midka yihiin Demba Ba iyo Papiss Cisse.
Alan Pardew ayaa rajo xumo ka muujiyay soo laabashada ciyaaryahanaadaasi, kulanka adage e ay la yeelan doonaan kooxda Tottenham, oo iyadu dhawaan la soo wareegtay macalin Andre Villas-Boas.
Newcastle ayaa sidoo kale wax go\aan ah ka qaadanin in uu ciyaari karo iyo in kale ciyaaryahan Tiote , balse waxaa la arki donaa in uu ka mid noqon doono ciyaaryahanada xulka Qaranka Ivory Coast ee todobaadkaan ciyaar saaxiibtinimo la yeelan doono xulka qaranka Russia.
Macalin Pardew ayaa wel wel balaaran ka muujinaya maqanaashaha ciyaarayahanadaasi , maadaana ay ka mid yihiin lafdhabarka kooxda, isla marakaana kulanka furitaanka ay la leeyihiin Naadiga Tottenham oo iyadu ka mid ah kooxda ugu adage e horyaalka premier league.
W/D fayasal Maxamuud
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2663