|

Song oo sheegay in uu ku faraxsan yahay joogitaanka Arsenal.

Xidiga reer Cameroon ee u ciyaara kooxda Arsenal Song  ayaa sheegay in uu jeclaanlaaha in  heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Arsenal , xili uu dalab uga yimid kooxda Barceloona
Alex Song ayaa ku adkeesanaya in uu ku faraxsanyahay joogitaanka kooxda Arsenal , wuxuuna iska fogeeyay wararka sheegaya in uu  qorsheenayo in uu naadiga ka tago.
Wararaka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegay in kooxda Barcelona  ay soo bandhigtay qiimo ku kacaya€15million waxaana sidoo kale dalab kaa ka duwan soo bandhigtay kooxda giants Zenit St Petersburg oo sheegaty in ay ku iibsanayso ciyaaryahanka (£11.7million).
Heshiiska Song  ee uu ku joogo garoonka Emirates, ayaa waxa aka harsan labo sano wuxuuna sheegay in uu rajeenyaa in loo kordhin doono heshiiskaasi .
Song ayaa kooxda Arsenal kaga soo biiray kooxda Bastia sandkii 2005, , wuxuuna haatan ka mid yahay ciyaaryahanada dhaafaca qadka dhexe  kuwooda ugu wnaagsan eek a ciyaara horyaalka Premier League.
W/D Faysal Maxamuud 
www.qubanha.com
 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2673

Posted by on Aug 14 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented