|

Tarsan :dadka Muqdisho in ay Cadow kuyihiin Horumarka ay ku Talaabsaneyso Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Eedeen u soo jeediyay Dadka Degan magaaladaMuqdisho ee Gobolka Banaadir, Iyadoo uu ku Eedeeyay in ay Iyagahortaaganyihiin Mashaariicyada magaaladooda ku Dhismilaheyd.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxameed Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay dadka Muqdisho in ay Cadow kuyihiin Horumarka ay ku Talaabsaneyso Muqdish, iyadoo uu Sheegayna in  ay Marwaliba Carqalad ka keenaan Mashaariicyada Horumarineed ee lagu dhisayo Bilicda Muqdisho.

Tarsan ayaa waxaa uu sheegay in ay dadka deegaanka ku ah Degmada Hodan ay Hor Istaageen Goob ay Dowladda Turkigaka ay ka  Dhisayeen Suuq iyo Jaamacaddo ay Muqdisho ugu tala Galeen in ay ka Faa’iideestaan Dadaka Muqdisho, waxaa uuna Sheegay in ay sheegteen Dadkaasi Dhulka laga Dhisayo dhismaha uu yahay ay  leeyihiin Dad kaar ah, tarsana uu sheegay in ay  dhulkuna yahay mid dowladeedu leedahay.

Ugu danbeentii Tarsan ayaa waxaa uu Sheegay in uu wixii Hadda ka Danbeeya laga yeeli Doonin Sharcidarada ay Doonayaan dadka Muqdisho, isagoo hoosta ka Xariiqay in ay muhiim Tahayin ay Horumar Hiigsato Magaalada Caasimada ah.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2690

Posted by on Aug 14 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented