|

Hay ada culimada Soomaliyeed oo muqdisho war culus ka soosaratay maanta.

Hay ada culimada soomalia oo maanta kulan ku yeelatay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay siyaasada dalka iyo ka dugbida xiliga KMG ah waxaana ay soo saareen bayaan .

Sh bashiir Axmed Salad  gudoomiyaha hay ada Culimada soomaliyeed oo maaanta kulankooda ka dib la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in soo xulida barlamaanka ay Soomalia ay ka jiraan wax is daba marin iyo musuq maasuq baahsan oo lagu sameynayo soo xulida xubnaha bar lamaanka .

Waxaa uu sheegay shiikhu in hay ada culimada Somaliyeed ay ka digeyso in dhibaatooyin ay dhacaan xiliga doorashooyinka dalka waxaana ay ku baaqween in si wada jir ah loo wada adkeeyo amaanka guud ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho .

QM dowlada Mareykanka Midawga yurub Midawga afrika Jaamacada carabta ayaa dhamaantood waxaa ay horay uga digeen in wax is daba marin ay dhacdo doorashooyin kana la musuq maasuqo  sidoo kale waxaa ay ka digeen in dib u dhac uu ku yimaaado xiliga doorashooyinka ‘.

www.qubanaha.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2850

Posted by on Aug 15 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented