|

Manchester United oo gacanta ku dhigatay Robin van Persie.

Kooxda kubada cagta Arsenal ayaa xaqiijisay in Manchester United ka wada heshiiyeen saxiixa weeraryahankeeda Robin van Persie.

Xiddigaan oo xili ciyaareedkii hore ku guuleystay Gool dhalinta Premier League maalinta khamiista u socdaali doono Manchester, si uu qalinka ugu duugo heshiis 4sano ah oo uu la galo kooxdaasi.

Van Persie a damiciisu ahaa in uu ka tago garoonka Emirates Stadium ka dib markii uu diiday in uu saxiixo heshiis cusub, wixii xiligaa ka dambeeyayna waxaa soo kordhayay kooxo badan oo daneenaya saxiixa ciyaaryahanka.

Van Persie ayaa lagu wadaa in uu saxiixo kooxda ku ciyaarto garoonka Old Trafford 4 sano oo heshiis ah , kaasi oo ku kacaya qiimo gaaraya £24 million.

Hadalkaan ayaa lagu shaaciyay webka kooxda in labada kooxood ay ka heshiiyeen , isla markaana isku afgarteen inj ciyaaryahanka uu ku biiro kooxda kubada cagta ee Manchester United.

 

Ciyaaryahankaan u dhashay dalka Netherland ayaa waxaa baadi goob xoogan ugu jirtay kooxda Man City iyo kooxda kale ee ka dhisan dalka Talyaaniga ee Juventus , wuxuuna iminka ka mid noqonayaa ciyaaryahanada dhawaan ay la soo wareegtay kooxda Manchester United oo dhawaan la soo wareegtay xidigaha kala ah Shinji Kagawa iyo Nick Powell.

W/D Faysal Maxamuud 

www.qubanaha.com

 

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2893

Posted by on Aug 15 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented