Muamba oo la shaaciyay in gabi ahaanba ka fariistay Ciyaaraha Caalamiga.
Kooxda Bolton Wanderes ahaa shaacisay in ciyaaryahan Fabrice Muamba uu ka fariisanayo ciyaarta caalamiga ee K/cagta.
24 jirkaan ka ciyaara qadka dhexe ayaa soo wajahay xannuun ban’an oo dhinaca wadnaha ah , xili uu ciyaarayay kulan ka tirsan FA Cup , oo ay kooxdiisa la ciyaaraysay kooxda Tottenham bishii March aynu soo dhaafnay.
Fabrice Muaba ayaa ka mid aha ciyaaryahanada xulka England ee da’doodu ka yartahay 21 sano , wuxuuna in muddo ah la tacaalayay xanuunkaasi ba’an ee soo wajahay.
Dhaqaatiirta ku howlan xaalada Caafimaad ee ciyaaryahanka ayaa talo ku soo jeediyay in gabai ahaanba uu joojiyo ciyaaraha caalamiga ah ee uu ciyaaro.
hadalkaan ayaa lagu shaaciyay webka kooxda waxaana lagu xusay tan iyo markii uu soo wajahay wadno xanuunka ciyaaryahanaka lala tacaalayay isla marakaana rajo laga qabay in uu dib ugu soo laabto kooxda ayaa waxaa iminka moodaa in taasi ay meesha ka sii baxayso.
ciyarayahanakaan ayaa usbuucii la soo dhaafay u safray dalka Belgium si uu halkkaasi uga helo la talin caafimaad oo dheeraad ah , goaan buuxda looga gaaro.
ciyaaryahanaka ayaa laf ahaantiisa ku sheegay hadal uu soo dhigay barta webka kooxda ku sheegay in uu aad ugu xunyahay in uu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah .
” kubadda Cagta aad ayaan u jeclaa tan iyo xiligii aan jaraa , waxay ii suura gelisay in aan helo fursado wanaagsan .
sidoo kale waxaan jeclahay in aan u mahadcelinayaa qof walba oo taageere ii ahaa iyo taagerayaasha kooxda Bolton oo aanmarnaba hilmaami doonin.
Macalinka kooxda Bolton ayaan u mahadceliayay ciyaaryahanaka , wuxuuna sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin ciyaaryahanaka , wuxuna u rajeenayay mustaqbal wanagsan.
W/D FAISAL MOHAMOUD ALI.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2898