|

Ra’isulwasare Cabdiwali oo si xoogan ugu soo horjestay Magacaabista Degmooyinka ee Madaxweynaha Magacabay iyo dalacsinta Saraakiisha Dowladeed (warsaxaafadeed)

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Mudane c/weli Maxamed Cali ayaa waxa looga soo horjeestay go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya oo ku saabsanaa magacaabista dagmooyinka cusub waxa ayna u qorneed sida tan.

Ref: XRW/LT/00.435/08/12 Date 15.08.2012

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 3aad ee Axdiga/KMG ee Dowladda Soomaliya,Farqadiisa 1aad & 2 aad

Markuu arkay: Qodobka 46aad, Farqadiisa 1aad & 2aad iyo qodobka 48aad, Farqadii 1aad-xarafkiisa (A & B) oo qeexaya (Waajibaadka Wasiirka 1aad)

Markuu arkay: Qodobka 52aad Farqadiisa 1aad & 2aad oo qeexaya (Waajibaadka Golaha Wasiirada)

Markuu arkay: Qodobka 53aad Farqadiisa 3aad, Xarafkiisa ( a iyo b ) oo qeexaya (Xilka Golaha Wasiirada):

a) – Fulinta Awooda Golaha Wasiirada iyo meelmarinta waajibaadkooda.

b) – Maareynta iyo dhaqangelinta shuruucda loo xilsaaray

Markuu arkay: Qodobka 44aad ee Axdiga KMG ee qeexaya (waajibaadka Madaxweynaha)

Markuu arkay: Qodobada 81, 83, 85 ee Dastuurkii 1960 –kii oo qeexaya waajibaadka Golaha Wasiirada

Markuu ogaaday: Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha JS oo aan ku Salaysnayn go’aan golaha wasiirada sifo sharciga waafaqsan

Markuu arkay: Go’aankii kalfadhiga Golaha wasiirada oo ku taariikhaysan13kii, August 2012 oo lagaga dooday Habsami usocodka Howlaha

Qaranka oo ku dhisan nidaam dawli ah oo sharciyaysan

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, isagoo tixraacaya qodobada kor ku xusan iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 13kii, August 2012, wuxuu halkan ku cadaynayaa in wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabida Gobolo iyo Degmooyin cusub, dalacsiin Saraakiil Dowladeed iyo wixii lamid ah ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga-ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin Karin sida kucad Qodobka 3aad ee Axdiga (Sarraynta Sharciga) Farqadiisa 2aad oo qeexaya “ Sharci kasta oo aan la soo marin ama ka hor imanaya Axdiga Dowladda wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan”.

MUQDISHO 15/08/201

Mudane Cabdiwali Maxamed Cali

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2862

Posted by on Aug 15 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented