Daniel Arap Moi oo musharixiinta Soomaalida la dardaarmay.
Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arap Moi ayaa ku booriyay musharraxiinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay u tartamaan xilka madaxtinnimada dalka inay ka faa’ideystaan furasaddan ayna ku mideeyaan waddankooda.
Daniel Arap Moi ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda halka ay iyagu dagaallami lahaayeen.
Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinnimada toddobaadyada soo socda, iyadoo doorashadaas ay qeyb ka tahay daddaalka ay beesha caalamka waddo oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xilliga kumeel gaarka ah.
Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa rajo weyn ka muujiyay in doorashadani ay Soomaaliya u horseedi doonto nabad waarta, si looga baxo colaadda raagtay, macluusha iyo dambiyada kale ee ka dhaca dalka, isagoo intaas raaciyay in dalalka deriska la ah Soomaaliya oo ay saameysay colaadaha ay jeclaan lahaayeen in ay arkaan dalkaas oo nabad ah.
Moi ayaa ugu baaqay musharraxiinta Soomaaliyeed in ay aqbalaan natiijada doorashada madaxtinnimo, isagoo xusay in dhibaatada ugu weyn ee Afrika ka jirta ay tahay madax aan oggoleyn in doorashooyinka looga guuleysto xilkana uu si nabad ah ku wareejiyo.
Sidoo kale, wuxuu beesha caalamka ugu yeeray in ay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay u qabsan laheyd doorasho nabad ah isla markaana caddaalad ah.
Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arap Moi ayaa hadalkaas ka sheegay mar uu shalay ka qeybgalay xaflad loogu magac daray xilliga bad-baadinta Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka mid ah musharraxiinta Soomaaliya.
Xigasho: bar-kulan
www.qubanaha
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2967