|

Dowlada KMG ah oo digniin culus u jeedisay Musharixiinta(Maxay tahay Digninta ?)

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya uga digtay qal qal gallinta ammaanka dalka.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Federalka KMG Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo saxaafada gudaha la hadlay ayaa waxaa uu uga digay Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya inay qal qal galliyaan ammaanka dalka Soomaaliya.

C/laahi Goodax ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Xukuumadda go’aankeeda uu yahay inay xaqiijiso ammaanka dalka, isagoo xusay in horumar ballaaran laga gaaray wax ka qabashada xaaladaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

“Marka hore dadku way Madax banaan yihiin sida ay u rabaan inay usoo gudbiyaan baaqooda iyo fakarkooda, laakiin waxaan ognahay shacabka dariiqa joogga in uusan aheyn wax waxa dooranaya ee waxa wax dooranaya waa barlaman, marka Ma ahan in magaalada qal qal la galiyo oo Gawarida Sawirro lagu soo dhejiyo oo ay Shabaabku ka faa iideystaan” sidaasi waxa yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee DKMG.

Wasiirka ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in qorshaha ku aaddan arrimaha Road-map-ka ay meel gabo gabo ah marayaan, waxaana uu xusay in inta aan la gaarin 20-ka August lagu soo gaba gabeeyo qorshaha ku aaddan soo xulista Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya.

Digniinta loo jeediyay Musharaxiinta Soomaaliyeed ee ku aaddan inaysan qal qal gallin ammaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyado maalimba maalinta ka dambeysa Muqdisho ay soo gaarayaan Musharixiin badan oo u taagan qabsahada xilka Madaxtinimo ee Soomaaiya.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2980

Posted by on Aug 16 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented