Ferguson- van persie haatan waa ciyaaryahan reer Manchester united ah.
Tababaraha kooxda Manchester united sir alex ayaa sheegay fikradii ugu fiicneed ee weerar ciyaaryahan ah lala soo wareego inuu sameeyay.
Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in robin van persie uu kusoo biiray kooxdiisa Manchester united uuna ka qeeb qaadan doono kulan isniinta ay la yeelan doonaan koxda Everton ee horyaalka England ciyaaryahanka reer Holland ayaa isku diyaarinaya inuu Wajaho kooxda everton kulankiisa ugu horeeya ee uu usafta kooxdiisa cusub ee Manchester united , asagoona ciyaaryahanka haatan uu marayo hubinta caafimaadkiisa.
Manchester united ayaa ku dhawaaqday habeen nimadii arbacada in ay heshiis ku Gaareen arsenal arinta ku aadan ciyaaryahanka reer Holland robin van persie sidoo kale Waxaa uu heshiiska soo gaba gaboobi doonaa markii ciyaaryahanka ay u dhmaadaan Xaaladaha hubinta caafimaad ee uu hada marayo.
Ferguson wax dhibaato ah kama uusan muujin ciyaaryahan asagoona il gooni ah ku hayo Sidii persie uu u safan lahaa kulanka isniinta habeenkeeda ay la ciyaari doonaan kooxda Everton.
“Hada checkin ayuu marayaa, London na wuu kazoo tagayaaa galab nimadan” macalinka Manchester sidaa ayuu yiri.
Waxaan filayaa in wax walba ay qorsho ku socdaan,wakilka ciyaaryahankana haatan Waxuu wada hadal kula jiraa madaxa u qaabilsan soo gadista ciyaaryahanada kooxda Manchester united.
“Waxaan rajeenayaa in wax walba ay iskun aadan yihiin laakin marida caafimaad ayaa Mar mar waqtigeeda dheeraada. Laakin waxaan hubaa in kulanka isniinta uu ciyaari Doono laacibkeena cusub Robin van persie.
Imaatanka persie ayaa waxaa ka dhigeesaa weerarkii ugu wanaagsanaa inuu lasoo Wareegay tababare ferguson waxuuna ku faraxsanyahay inuu arko van persie iyo wayne Rooney.
Robin van persie waxuu ahaa ciyaaryahankii csare usoo qaaday sanadkan kooxda arsenal Kadib markii arsenal la liic liiceesay tabar dari xaga ciyaar yahanada iyo arsenal oo mar Libaax ka aheed wadanka England oo noqotay sagaarada England ka gadaal markii ay Kawada hayaameen laacibiintii arsenal ee horyaalka England unbeaten ku qaaday Horyaalkas sida thierry henry iyo cesc febricas.
Fetah ali(liida)
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2971