|

Liiska Xildhibaanada Sade ” Marreexaan” oo dib loo soo celiyey kadib markii lagu arkay magacyada hogaamiyo kooxeedyo .(Warbixin Xasaasi ah)

Sida aan ku helnay cawa warar lagu kalsoonan karo waxaa ay sheegayaan in gudiga farsamada xulista baarlamaanka Soomaaliya ay  soo celiyeen liiska xildhibaanada Sade ee dhawaan la gudbiyey  kadib markii laga dhex aqoonsaday magacyada rag lagu sheegay inay ka qeybqaateen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Mas’uul ka mid ah howl-wadeenada xafiiska gudiga xulista baarlamaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa inoo sheegay in  muran badan uu ka dhashay liiska Beesha Sade oo ay u badnaayeen qaar ka mid ah raga siyaasada ugu cadcad ee beeshaasi ugu jiray sanadihii ugu danbeeyey, kuwaasi oo lagu sheegay inay yihiin eedeysanayaan dagaal.

Inkastoo uusan magac ahaan inoo sheegin dadka laga diiday inay ka mid noqdaan xildhibaanada cusub ee Beesha Sade uga mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya haddana waxaa uu sheegay inuu caawa jiro loolan adeg oo ka dhex bilowday beesha dhexdeeda  iyo gudiga xulista baarlamaanka.

” Waxaa jira laba qodob oo laga fiirinayo xildhibaankasta oo magaciisa la soo gudbiyo, waxaana ay kala yihiin inuusan qofka xildhibaanka noqonaya uusan ka qeybqaadan dagaaladii sokeeye ama faldanbiyeed kale iyo inuu heysto shahaado dugsi sare. Waana labada ciladood ee hadda lagu heysto qaarka mid ah raga ku jira liiska Beelaha Mareexaan’ ayuu yiri Mas’uulkan dalbaday in aan magaciisa la shaacin.

Dhinaca kale arrintan waxaa la waddaaga beesha Sade qaar ka mid ah beelaha kale ee Soomaaliyeed sida beesha biya-maal oo hadda lagu soo celiyey siyaasiyiinta caanka ah ee kala ah Abdilaahi Shiikh Ismaaciil iyo Abdirahman Xaaji Aden ” Ibi” iyo Dr, Abdicasiis Yusuf kuwaasi oo soo wada qabtay xilalka xildhibaano iyo wasiirnimada dowladaha ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ay farta ku gudan tahay ee caawa warkooda yaalo Muqdisho kaasi oo ah inay yihiin shaqsiyaadka loo diidan yahay inay baarlamaanka mid noqdaan ee u dhashay beesha Sade waxaa ka mid ah:

1- Col, Barre Aden Shire
2- Gen, Ahmed Warsame Maxamed
3- Gen, Abdirisaq Isaaq Biixi
4- Maxamuud Sayid Aden
5- Abdisacdi
6- Hilowle Aden
7- Yusuf Kaanti

Waxaase la hubin in dhamaan magacyada siyaasiyiinta kor ku xusan ay ku jiraan liiska xildhibaanada Sade ee la soo diiday iyo in kale , waxaana wararka qaar sheegayaan in raga qaar aysan joogin Xamar oo aysan soo doonaan xildhibaanimada.

Barre Hiiraale ayaa warar ku dhawdhaw waxay sheegayaan inuusan joogin Xamar islamarkaana sanadkan isku soo taagin xilka xildhibaanimada baarlamaanka xirir aan iskuday inay in aan la sameyno ayaan inoo suurtogelin.

Dad ku dhaw odayaasha dhaqanka Sade ee jooga Xamar ayaa sheegaya in aan la gudbin liiska Mareexaan oo baryahan lagu muransaa balse la gudbin doono maalinta barri ah, waxaase  ay  la yaab ku tilmaameen wararka suuqa soo galay ee ah in dib loo soo celiyey liiska xildhibanada Marreexaan oo ay ku jiraan hoggaamiyaan ka mid ahaa horjoogayaashii dagaalada ka dhacay Soomaaliya kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya .

Xigasho: Kismaayo24

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2986

Posted by on Aug 16 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented