Yaan laga Tagin Cadaaladda Dambiilayaasha ma yaro.(Faalo Xiiso)
Waxaan halkaan usoo marinayaa Salaan Diiran Dhamaan Umadda somaliyeed Gaar ahaan Xubnaha Guddiga soo xulista Xildhibaanada Hawsha wacan oo qiimaha badan ay u hayaan Umadda.
Inkastuu waqtiga idnku yaryahay , waxaan rabaa inaan idn xasuusiyo waxa aad haysaan maanta inay tahay arrin aad u muhiim ah oo qayb ka ah
Waxa loo yaqaano “Transitional Justice” ama Cadaalada xilliga kala guurka ah.
Hadaba Vetting Process ka oo ah kala shaandhaynta Xubnaha Baarlamaanka loo magacaabayo, waa arrin culayskeeda leh waxaana la rabaa
inaad cadaaladda sida ay tahay aad usoo gudbisaan , waxaa Jira macaluumaad badan oo laga yaabo in aadan hayasanina, idiina keeni karto inaad ku sumcad beeshaan hadaad ku dagdagtaan goaan ka gaaristooda. Waxaa dhici karta dano gaara dad leh inay idn siiyaan macluumaad dhan u xaglinaayo dadna lagu faquuqaayo.
Hadaan iddin soo yara iftiimiyo, Markuu Siyaad barre dalka ka tagay, Hoggamiye yaal kii Xamar ka abuurmay waxaa Ka mida ahaa Cali Mahdi Mahamed, Mahamed Farax Siyaad . Ciise Weheliye Maalin, Mahamed Farax Jimcale, Professor Ciise, Abdi qaybdiid. Abdi Axmed Dhuxulow, Mahamed Dheere. Muddo Kadib waxaa yimid kuwa kale oo ahaa Muse Suudi , Mahamed qanyare, Cumer Finnish, Abdulahi Shiikh Xasan, Salaad Cali Jelle, Bashiir Raage, Shiikh adan madoobe, Xaabsade, Fartaag, Barre hiiraale, qalaad, dabageed, Yusuf Indhacdde-waaba dallacsiiyay Shariifkaan., Shaargaduud, Xuseen Caydiid, Ilqayte, Dhagaxtuur, waa inta nool ama aan ka xasuusan karo dusha tusaale ahaan .
Kuwaan Hawshooda waxay ku slaysnayad qaab qabiil, oo waxy ahaayeen kuwa ku doodo inay qabiilkooda difaacayaan , oo mararka aysan jirin Tuugo ama Mooryaan kiciso dagaal
ay si nabad ku kal joogi jireen magaaladana ay nabadoonaan jirtay hawlaha aykala socon jireen.
Hoggamiyo kooxeedyadaan waxay ahaayeen kuwii soo Dhisay Dawladdii Imigaati Axdi qarameedka la Refer garaynaayana soo samaystay. waxay noqdeen misna kuwa Argagixisada maanta na haysta la dagaalamayay inkastoo lalahaa way iib gaynayaan , balse dhibkay hor taagnaayeen soo baxday markay ka leexdeen.
ma dhahaayo Hoggamiye Kooxeedyadaas way wanaagsanaayeen bal dambiyo badan ay galeen ama lagu eedayn karao waa jiraan , laakiin ma jirto cid maxkamad lasoo taagay oo ku caddaysay.
Waxaa soo baxay Hoggamiyo Kooxeedyo Cusb oo Magac diineed Huwan, Waxaa kamid ahaa Shiikh Shariif, Xasan Daahir, Mukhtaar Roobow, Axmed Godane, Axmed islaan (Raas kambooni Maanta u madaxa sheegtayana inuu Shabaab Guddomiye ku xigeen u ahaa, shiikh fanax, Xasan shiikh Mahamud ( waa Musharax Madaxweyne- Ninkii ardada SIMAD ku Dhameeyay Iidaale), Abdi shakuur, Xasan Macallin, Tarsan, Shariif shiikha adan, Janaqaw, Abdicadir Ali Cumer, iiyo qaar la mida oo badan.
walaalayaalow bacdamaa ( Vetting is aimed at ensuring that persons who have committed crimes or gross human rights violations do not have access to public service or are removed from it.)
In General Impigaati MPS , tiro aad u yar mooyaane waxay ahaayeen Hogaamiye Kooxeedyadii iyo Gaanariyaashii dagaalka la waday ( Gacan ku dhiigle, mici ku dhiigle, qali ku dhiigle, iwm) , Groupkii Asmarana waa kuwii ayagana noocaas oo kale ahaa – so labada Group sidoodaba waa kuwii na qabsadaye oo dadka iyo dalkaba baabashee yaan la oggolaaan , meeshay doonto hanala gaarteee , mar hadaan cadaaladda u tafa xaydanay Bilaa calaykum yaa la idn marsiin.
Hadaan is xasuusino Vetting ka aad hadda wadaan waa administrative ee maaha Judicial waxaana la rabaa inuu koobo dhamaan intii ku lug lahayd
Ø INVOLVEMENT IN WAR CRIMES, CRIMES AGAINST HUMANITY, OR GENOCIDE;
Ø OTHER GROSS HUMAN RIGHTS VIOLATIONS;
Ø • CORRUPTION AND ABUSE OF AUTHORITY;
Ø INVOLVEMENT IN CRIMINAL ACTIVITY;
Ø INCOMPETENCE; •
Ø TIES WITH POLITICAL GROUPS
Ø TIES WITH ARMED GROUPS;
Walaalayaalow . bal sida roonalalha idn waafajiyo laakiin ogaada ina masuuliyadaan tahay mid aad u culus mar hadii ay ku bilaabato nin jeclaysi iyo eex ma hagaagayso midda kawayn aan u socono oo qaran dib udhiskii ah.
Waaa bilaw fiican markaad ka baxdaan hawshaan waxaa xigi doono hayadaha kaloo dib u dhiska u baahan waayo tuugadii dadka inatya afduubaan Gacmaha ka jari jiray oo Dhiiga intay filipo ku xiraan ka daadi jiray baa maanta Shariffku uu siiyay Generalo iyo Korneelo- fari kama qodno fanoole.
Xog wax alla waxii aad doontaan xogteedan isoo waydiista aydoo sawirro iyo muuqaalo wadato baan badankooda idiin hayaaa. balse xissabta ku dara VETTING ALONE with out SANCTIONING , those found positive in the process may react and cause further threats to the members or the whole process.
Wabilaahi tawfiiq
Avv. Abdi Gadiid
xaqsoore@gmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=2948