Barton oo si amah ah ugu biro kooxda Marseille
Ciyarayahanka qadka dhexe ee kooxda Queens Park Rangers Joey Barton ayaa lagu wada in uu si maah ah ugu biro kooxda Marseille oo ka dhisan dalka France.
Barton ayaa shaki laga qabay in uu kooxda sii joogayo, waxayna taasi ay meesha ka baxday maalintii khamiista ahayd markii maaliyada nemberka uu ku ciyaaro ee 17 lagu wareejiyay ama loo xiray xiddiga ay dhawan la soo wareegeen kooxda Ryan Nelsen.
Ciyaarayahankaan qadka dhexe ka ciyaara ayaa la ganaaxay 12 kulan in uusan ciyaari Karin xili ciyaareedkaan bilaawanaya ka dib markii ciyaaryahanka uu qaatay karaka gaduudka isla marakaana uu buuq kicyay kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa la yeelatay kooxda Manchester City.
29 jirkaan ayaa hore u diiday in uu sii joogo naadigiisa , isla marlkaana uu ka sii ciyaaro horyaalka England, taa badelkeeda wuxuuna door biday in uu ka ciyaaro dalka France .
Barton ayaa macsalaameeyay taagerayaasha kooxda Queens Park Rangers , wuxuuna xusay intii uu joogay kooxda uu ku soo qaatay waqti wnaagsan, taasina aya qayb ka geesteen taageryaasha iyo maamulka kooxda.
Barton ayaa ka mid noqonaya ciyaraayahanada xili ciyaareedkaan ay la soo wareegtay kooxda Marseille, iyadoona rajeenaysa in ay wax wayn ku soo kordhin doonaan.
W/D Faysal MAxamuud Ali
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3018