|

Defoe oo la sii joogaya Tottenham.

Macalinka kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa dejiyay wararka sheegayay in ciyaaryahan Jermain Defoe  uu ka tagayo naadiga , badelkiisuna uu doonayo in uu heshiis la gaaro Emmanuel Adebayor .

Defoe ayaa horaantii todobaadkaan sheegay in uu go,aan ka gaarayo mustaqlbalkiisa haddii uusan boos joogto ah oo uu ka ciyaasiin waaye kooxda macalin Villas-Boas uu isga tagi doono.
Villas-Boas ayaa sheegay in uu la hadalay ciyaaryahan Jermain iyo wakiilkiisa si ay ila meel dhigaan xaalada taagan , isla marakaana ay isku afgarteen , goaan wanagsana ka gaareen.
Jermain ayaa dhaliyayscored 18 gool sanadkii la soo dhaafay , wuxuuna ka mid ah ciyaaryahanada  muhiimka ee kooxda , iminkana hadii uu kooxda sii joogaya waxa alaga yaabaa in boos in boos joogto ah uu ka ciyaarsiin doono macalinka cusub.
Kooxda Tottenham ayaa baadi goob ugu jirta sidii ay ula soo saxiixan lahayd weeraryahan xili ciyaareedkaan, laakiin wadahadaladii ay kula jirtay kooxda Manchester City oo ay ka doonaysay Adebayor ayaan waxba ka soo bixin weli.
Villas-Boas  ayaa weli aad ugu rajo wayn in weeraryahanka reer Togo oo xili ciyaareedkii hore si amah ah kaga ciyaarayay kooxda ka dhisan garoonka White Hart Lane  uu la soo wareego usbuuca soo socda.
W/D Faysal Maxamuud Ali
www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3022

Posted by on Aug 17 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented