Aqoonyahano Soomaaliyeed oo baaq u diray Gudiga Farsamada , Barlamanka cusub.(war saxaafadeed).
Waxaan dhamaan ummada muslimiinta ah meel walbo oo ay joogaan caalamka ugu hambalyeyneynaa munaasabadda Ciida. Tan kale maadaama wadanka uu marayo marxaladii ugu dambeysay ee kala guurka , waxaan soo dhaweynaynaa , kuna farax sanahay in gudiga farsamada , oo loo xilsaaray soo xulida mudanayaasha baarlamaanka, iyaga oo kaashanayo odayaasha dhaqanka, in ay ku soo afjareen waajibaadkoodii,soo xulida 275 xildhibaan. Ayadoon wada ogsoonahay daruufaha adag ee horyaalay , ha noqoto Waqti ama farsamo kaleba. waxeyna mudan yihiin in ay taariiqda baal dahab ah laga geliyo.
Mar ka waxaan wada dhowreynaa in Raga iyo Dumarka loo soo xushay in ay matalaan Qaranka soomaaliyeed, in ay wadanka u horseedaan cadaalad, sinaan iyo horumar dhab ah, dhanka siyaasada. kana shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa jahawareer ka siyaasadeed, ee soo jireenka noqday, taas waxaa lagu gaari karaa ayaga oo si dhab ah u gutaan waajibaadkii loo igmadey. Taas oo ay ugu horeyso in ay soo xushaan Gudoomiye baarlamaan iyo ku xigeenadiisa, oo hogaamin karaan baarlamaanka 275 xubin ka kooban.
Ilaalin karaan na Axdiga Qaranka, aqoon na u leh hab dhaqanka baarlamaaniga. oo aan laga filan ficiladii iyo dhaqan xumadii horay loo bartay. Rag iyo dumar miisaan iyo aqoon ku filan leh na ay u doortaan Jagadaas. Hadii la helo gudoomiye baarlamaan oo aqoon u leh howshiisa iyo baarlamaan tayo leh. Inta kale waan garan karnaa in ay, ayadane guul ku dhamaaneyso. Hooyada dowladnimada waa Baarlamaanka.
Waxaa kale oo muhiim ah in. wadanka oo cagihiisa ku istaago ay ka muhiimsan tahay nin jecleysi iyo laaluush-qaadasho. Hantida Qaranka dhismayo uu yeelan doono, ayaa ka aayatiin wanaagsan, u han-qal taagid Hanti qaran , uu shaqsi laaluush u bixinayo. Ummadane ka wada dhaxeyso, oo laga yaabo in berito maxkamad lagu soo oogi doono shaqsiyaadka la rumeysan yahay in ay boobeen Hantida qaran hadii loo helo cadeymo buuxo.
Marka waa in muhiimada koobaad la siiyo in ay Shaqsiyaad nadiif ah, masuuliyad na qaadi karo la helo. Maxaa yeeley ma rabno in aan aragno mar dambe Gudoomiye baarlamaan oo shaqadiisa gudaneynin. Iyo madaxweyne iyo raisul -wasaare aan sharciga ku dhaqmeynin.
Ama aan aduunka la jaanqaadi karin oo loo meerinaayo , ama Aan aqoon u laheyn dowlad nimada waxa ay tahay , iyo in ay Qayaano Qaran tahay Sirta Dalka oo Noqotay wax ay ku gorgortamaan shaqsiyaad ama dowlado deris ah.
Waa in arimaha noocaas ah dib dambe loo arkin. ugu dambeyn ,waxaan u rayeynayaa Baarlamaan ka cusub , madaxda ay doorandoonaan, ummadda soomaaliyeed iyo beesha caalamka Guul Guul.
By. Abdinasir aden mohamud iyo Maxamuud cabdi (ingiriis)
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3209