|

Villas-Boas oo deg deg kula soo wareegayo ciyaaryahan Weerarka uga ciyaaro.

Tababaraha koxda Tottenham Villas Boas ayaa sheegay in uu soo gabagabeenayo baadi goobkii uu ugu jiray ciyaaryahan weerarka ka ciyaara , ka dib markii ciyaartii furitaanka laga badiyay.

Tottenham ayaa waxaa looga badiyay 2-1, ka dib markii ciyaartii furitaanka aya isaga hor yimaadeen kooxda Newcastle U, waxayna  taasi ay keenay in macalinka kooxda u soo dedejiyo sidii uu kooxda ugu soo biirin lahaa weeraryahan xirfadiisu sareyso.
Spurs ayaa iminka waxaa ay weeraryahan u  haysataa  oo kaliya, Jermain Defoe, , mana ahan kooxda mid ku filan , sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay naadiga  ka dib guul daradii ay kala kulantay kooxda Newcastle U.
 Villas-Boas  ayaa qorsheenaya  in uu xoojiyo ama dedejiyo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga  ciyaaryahanada wadahadalada uu ku doonayo in uu naadigu ku soo biiriyo weeraryahano cusub, waxaana shaashada u saran weeraryahanaka reer Brazil  Leandro Damiao iyo Emmanuel Adebayor oo isga xili ciyaareedkii hore amah uga soo ciyaaray garoonka White Hart Lane.
Wararaka kale oo naadiga ku saabsan ayaa waxaa ay sheegayaan in ciyaarayahaan Luka Modric uu todobaadyada soo socda ku biiri doono naadiga Real Madrid eek a dhisan dalka Spain.
FAISAL MAHAMOUD ALI

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3201

Posted by on Aug 19 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented