Man City oo wada hadal kula jirta Jovetic (Warbixin hoose)
Kooxda difaacaneysa koobka Premier League ee Manchester City ayaa si aad ah u doon dooneysa weeraryahanka reer Montenegro iyo kooxda Fiorentina Jovetic.
Wada hadalka ku aadan ciyaaryahanka ee u dhaxeeya kooxaha Man city iyo Fiorentina ayaa meel gabo gabo ah maraya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska iyo Talyaaniga oo si aad ah ula socda wararka la xiriira iibka Jovetic.
City ayaa lacago gaaraya 30 million oo euro ku baadi goobeysa laacibkan uwooda buuxda u leh gool dhalinta.
Tababaraha kooxda City Repert Mancini ayaa sheegay in ay si aad ah ugu baahanyihiin weeraryahan Jovetic, iyagoo haysta weeraryahano dhowr ah sida,
Sergio Aguero, Carlos Tevez, Mario Balotelli, Edin Dezko, Emmanuel Adebayor, Roque Santa Cruz ,inksatoo qaar ka mid ah ciyaaryahanadan ay City dooneyso in dhawaan ay iska iibiso.
Weeraryahanka reer Montenegro ayaa u sheegay kooxda Fiorentina in uu doonayo in xagaaga soo aadan uu gabi ahaamba isaga tago kooxda, inkastoo Fiorentina aysan wali aqbalin codsigaas.
Waalida ay u qabto Jovetic kooxda City ayaa timid maamlo yar ka dib markii Robin van Persie ay heshiis buuxa la gaartay kooxda United oo ay si weyn u xifaaltamaan kooxda Man City.
Kooxaha Jovetic doonaya ayaa waxaa ka mid ah Chelsea iyo Juventus oo xilli ciyaareedkan damacsan in si aad ah ay isaga xoojiyaan dhanka weerarka oo labaduba ay xoogaa ka liitaan marka la eego qaab ciyaareedkooda.
W/Q: Maxamed Cisman Cumar (Xabiib)
Email: xabiib66@gmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3531