Manchester United oo heshiis cusub la gaaratay Welbeck
Kooxda Manchester United ayaa dadaal dheer kadib ku guuleysatay in heshiis afar sano ah uu saxiixo Ciyaaryahanka da,da yar Dany Welbeck.
Tababaraha Man United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in Welbeck laftiisa uu ku faraxsanyahay heshiiska cusub ee uu la gaaray Red Devils.
Mustaqbalka 21 jirkan ayaa shaki ku jiray waxii ka dambeeyay kusoo biirada Man United Robin Van Persie oo ay wareerka ka wada ciyaaraan, iyadoo warbaahinta Ingiriiska qaar ka mid ah ay isla dhexmarayeen in Danny uu ka baqooli doono garoonka Old Trafford.
Welbeck ayaa ku sii nagaan doonaa Red Devils ilaa sanada 2016-ka ka dib saxiixa qandaraaska cusub.
Danny ayaa Manchester United usaftay 67 kulan isagoona dhaliyay 17gool, taas oo ka dhigaysa in ciyaaryahanka uu hormarinaayo mustaqbalkiisa ciyaareed.
“Waxaan ku faraxsanahay heshiiska cusub ee aan u saxiixay kooxdeyda waa wax aan ku fukirayay waqti dheer xaqiiqadiina waan jeclahay Man United” Sidaas waxaa sheegay Danny Welbeck.
21 jirkaan reer England ayaa ka dhawaajiyay in uu ka hoos ciyaarayo tababare qibrad weyn leh, kaas oo ka caawin kara in uu hormariyo xirfadiisa shaqo ee dhanka ciyaaraha kubadda cagta.
W/Q: Maxamed Cisman Cumar (Xabiib)
Email: xabiib66@gmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3536