Maxaa ka soobaxay Kulankii,madaxweyne shariif uu la yeshay Boqol Xildhiban?.
Madaxweynaha Soomaaliya shariif shiikh Axmed, ayaa Xalay kulamo gooni gooni ah la yeeshay Xidhibaano ku dhow 100 kuwaasi uu ka la hadaalyey arimo ku aadan in dib ay u soo doortaan ,kadib markii Madaxweyne shariif ,uu ku fashilmay in isbadal lagu sameeyo xildhibaanda la soo xulay .
Kulanka Shariif Axmed ee xalay ,ayaa waxaa sidookale Qeyb ka ahaa ,gudoomiyaaha Kumeel gaar ka ah ee Barlamanka ,iyo dad qurbjog ah oo siweyn u taagersan siyaasaada Madaxweynaha ,waxaan sidoookale lagu soo waramayaa in uu kulanka qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxamud Axmed nuur Tarsan.
Ololaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca doorashada ,ayaa waxaa la soo shegayaa in uu siweyn u socdo ,isagoo cawana la balansan ,odayaal dhaqmeed ,siweyn looga yaqaano wadanka soomaaliya ,ku waasi oo ay wax ka amqli karaan Xildhibaano badan oo ku jira hada Barlamanka Soomaaliya.
Xubno goob jog ka ahaa kulankaasi xalay ,ayaa waxaa ay u shegeen shabdada www.quabanaha.com in kulanka uu ka soo baxay is afgaradweyn oo xildhibaanada ay balanqaaden in ay siweyn u doorandoonaa Madaxweyne shariif.
Madaxweyanha ayaa xalay sidookale la kulamay Markale Danjire Mahiiga waxaana Mahiiga kala hadlay madaxweynaha in aan wax carqalad ah lagu abuurin xubnaha cusub ee Barlamanka Soomaaliya , si ay shaqadooda u qabsadaan oo aan laga badinin casumaadaha ,ay fidnayaan, Musharixinta Soomaaliyeed.
Waxana mahiiga iyo madaxweynaha sidookale ka hadleen , sidii loo soo dhameystiri lahaa xubnaha cusub ee Barlamanka Soomaaliya,oo la filaayo in manta la soo bandhigo ,iyadoo wali uu muran ka taagan yahay hogaamiye kooxeedyada.
www.qubanaha.com.
Nagala soo xariir qubanaha@yahoo.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3460