Muxuu Cabdi Qeybdiid ka doonay Hobyo? Akhriso.
Saakey Horaantii ayuu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid u qalabqaatay in uu si Xoog ah u soo furto la heystaal Caddaan ah oo lagu heysto Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Qeybdiid ayaa waxaa safarkaani uu Saake u baxay ku wehliyay qaar ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Maamulka Galmudug.
Laheystayaashaani Caddaanka ah ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan haatan Gacanta Kooxo Burcad Badeed ah oo horaan soo Afduubtay, iyadoo ay Mudooyinkaani ahaayeen Muxaabiis loo heysta Madaxfurasho Lacageed.
Burcad Badeedaani Gacanta ku heysato koxahaani Caddaanka ah ayaa waxa saake la filayaa in ay Shaqaaqo dhex Marto Ciidamada Maamulka Galmud, iyadoo la filoayo in uu qeyb ka noqdo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmud Mr. Qeybdiid.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3476