Milan iyo Inter oo kala wareegsaday Cassano iyo Pazzini.
Kooxaha magaalada Milano ka dhisan ee Inter Milan iyo AC Milan ayaa la xaqiijiyay in ay isku afgarteen kala badalashada weeraryahanadooda reer taliyaani Antonio Cassano oo Milan ka tirsanaa iyo Giampaolo Pazzini oo Inter u ciyaaraayay.
Kooxda AC Milan ayaa bixisay 7 Milyan oo Yuro iyo Cassano iyadoo lasoo wareegtay Pazzini, sida ay ku qoreen bogooda Internetka.
Massimo Moratti oo ah Milkiilaha iyo Gudoomiyaha kooxda Inter Milan ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in kooxdiisa ay hesho Cassano oo uu ku tilmaamay Xiddig muhiim ah oo wax badan kusoo kordhin kara kooxda Nerazuri.
Pazzini oo 28 jir ah ayaa maray tijaabada caafimaad ee kooxda Roseneri galabtii talaadada shalay aheyd, waxa uuna si rasmi ah u noqday weeraryahan ka tirsan kooxda AC Milan.
Pazzini ayaa 18 bilood oo kaliya ku sugnaa kooxda Inter Milan, ayaa boos ka waayay qaabka cusub ee kooxda u maamulaayo Macallin Andrea Stramaccioni.
Cassano oo ka mid ah Ciyaartoyda aduunka ugu dabeecadaha xun ayaa waxa ay isku dhaceen macallinka AC Milan Massimiliano Allegri.
Ibrahimovic ayaa horey uga tagay kooxda AC Milan.
www.qubanaha.com
brahim Gedow Awale (Biibbo),
injineerka3@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3506