Buuggii ugu Wanaagsanaa ee Maahmaahda Soomaaliyeed.
‘Tagto hilmaame, tubtii awowgii ka teguu ka talaxyeeyaa’. Waa murti ina baraysa in aannu horumar jirin haddii la ilaawo soo-yaalkii laga amba-qaadi lahaa. Hodontida afka iyo murtidiisuna waxay ‘aas’aas u yihiin garashada bulshada oo hadba inta uu afku xooggan yahay ayay awoodduna sarreysaa. Sidaas darteed ayuu Napoleon u lahaa “inan rageed erayga ayaan ugu talinnaa”.
Marka ay shiiqdo murtidu, marka ay aqoonta eraygu gabaabsi noqoto, marka uu gedmado anshaxii warku, waa bilowga hoos-u-dhaca ilbaxnimada bulshadaas. Soomaalidase Eebbe ayaa ku galladay murtida gayeysiisay magaca ’bulshadii gabayada’ ee uu Richard Burton ku sifeeyey. Waa ayaandarro ee gooshashkii dhowaa waxaa muuqanayey in ay suugaantii darafyada ka soo gurayso. Balse, dhanka maahmaahda waxaa badbaado weyn ka geystay aqoonyahanka Ruushka ah ee Georgi Kapchits. Bishii lixaad ee gugan ayey madbacadda Ponte Invisible daabacday buuggiisa “Soomaali been ma maahmaahdo”. Isla sida halqabsigii Nabiyada ayuu Georgi yiri ‘mar dambe ha dhumina’, wuxuuna badbaadiyey in badan oo murtida Soomaaliyeed ah.
Qoraagu waa kuma?
Georgi Kapchits waa aqoonyahan ku tegay barashada afka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo uu ka dhigi jirey Jaamacadda Moosko iyo jaamacado kale oo ku yaal Yurub. Sidoo kale, 25 gu’ ayuu wartebiye iyo tarjubaan ka ahaa laanta af-Soomaaliga ee Raadiyow Moosko.
Gugii 2008dii oo ahayd markii iskugu kaaya horreysay oo aan ku kulannay magaalada Oslo waxaan qoraaga kula yaabay in uu af-Soomaaliga ugu dhawaaqayo sidii dadka u dhashay. Waxaa kale oo aan u bogay aqoontiisa maahmaahda ee sida quruxda badan warkiisa ugu saagulan. Waa marka aan ku oranayo: “Haddaan Budhiiste ahaan lahaa waxaan runsan lahaa inaad tahay abwaan Soomaaliyeed oo dib u soo noolaaday”. Hubaal, wuxuu i soo xasuusinayey abwaan Muuse Cali ”Furuur” oo ah nin ku talax-tegay aqoonta maahmaahda.
G. Kapchits kuma koobna barashada iyo cilmi-baarista afka iyo suugaanta hiddaha ah ee Soomaaliyeed (inta ka eeg buugtiisa iyo maqaalladiisa http://kapchits.narod.ru/), wuxuuse fagaarayaasha caalamiga ah si xooggan uga ololeeyaa badbaadintooda.
Waa buug noocee ah?
‘Soomaali been ma maahmaahdo’ waa buug laba afle ah oo loogu tala-galay Soomaalida iyo dadyowga kale. Xagga horudhaca, waxa uu G. Kapchits uga jawaabayaa weydiimo milgo leh, sida: Waa maxay asalka maahmaahdu? Sidee lagu dhuuxaa xogta ay gudbinayso? Maxay ka midaysan yihiin maahmaahooyinka dunidu, muxuuse yahay farqiga u dhexeeya? Intee bah ayaa loo qaybin karaa maahmaahda Soomaaliyeed maxaase lagu kala dirsoocaa?
Qaybta koowaad waxaa ku dhigan 249 ah maahmaahooyinka ugu caansan oo uu qoraagu ku helay baaris qoto dheer. Qaybta labaadna waxaa lagu weeleeyey afar kun oo maahmaahood, balse heer kastaba leh.
Haddii uu buuggu iin leeyahay waa farta yaryar ee lagu qoray. Balse, taasi dhan kale ayay waxtar ka yeelatay oo buuggii ayay ka dhigtay jeebgal aad u yar. Sida anigu aan qabo, ‘Soomaali been ma maahmaahdo’ waa buuggii sanadka ee inta af-Soomaaliga lagu qoray. Haddiise aanay sidaas ahayn, waa buug aan kula talin lahaa qof kasta ee Soomaali ah ama ciddii murtideeda danaysaahi in ay hantiso.
Caliqeyr M. Nuur: Caliqeyr@hotmail.com
Norway, Oslo.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3567