Mareykanka:Awoodii Al-shabaab waa la wiiqay.
Gen. Carter F. Ham oo ah taliyaha ciidamada mareykanka ee ku sugan qaaradda africa ee AFRICOM oo la hadlay warbaahin u gaar ah ciidamada mareykanka ayaa waxa uu sheegay in awooddii al shabab ee dalka somalia ay wiiqantay oo xarakada Al shabab laga saaray meelo badan oo dalka somalia ay ka maamulayeen sida uu yiri.
Generalkan ayaa sheegay in ciidamada mareykanka ee ku sugan geeska africa , AMISOM iyo ciidamada Soomaalida ay kordhiyeen cadaadiskii ay ku hayeen al shabab , taasina ay keentay in shababku ay awoodi waayaan inay sii wadaan dagaalada .
“Xaqiiqdii waxaan idiin sheegayaa in xarakada alshabab oo dhawaan ku biirtay al qaacidda ay haatan la’dahay awood ay ku sii wado dagaalada waayo waxaa xanibaad laga saaray ilihii ay ka heli jireen dhaqaalaha “ ayuu yiri Gen. Carter F. Ham oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada mareykanka ee Africa .
Gen. Carter F. Ham ayaa sidoo kale sheegay inay sii laba jibbaarayaan caawimaadda ay caawinayaan ciimada AMISOM iyo kuwa dowladda si al shabab looga saaro meelaha ay weli ku harsan yihiin oo kismaayo ay kamid tahay.
Dowladda mareykanka ayaa saldhigyo militri waxa ay ku leedahay wadamo somlia deris la ah , waxana ciidamom dowladda mareykanka ka socda ay ku lugleeyihiin dagaalada ka dhanka ah al shabab ee ka socda dalka somalia .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3563