Maxaad ka taqaanaa Masuliyiinta ugu cad cad Xilka Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya?.
Sida aan ku heleyno wararka ka dhex socda baarlamaanka Soomaaliya ee iminka jira labba maalin ayaa waxaa ay hadal hayaan shaqsiyaadka ugu cadcad inay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka isugu soo baxaan oo waliba midkood uu ku guuleysto xilkaasi.
Sadexdan nin oo siyaasad ahaan ay kala wataan rag han uu uga jiro xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa waxaa uu mid waliba leeyahay tilmaamo iyo sifooyin loo tirin karo inuu helo kursiga baarlamaanka lagu shir guddoomiyo, kaasi oo maanta u muuqda inuu yahay midka cadeyn kara shaqsiyaadka xitaa looga biqi karo Madaxweynaha Soomaaliya.
Kursigan oo sida horey looga bartay doorashooyinkii hore loo deyn jiray beelaha Digil iyo Mirifle ayaa hadda waxaa soo baxay qaab siyaasadeed ka duwan sidii hore taasi oo ah in beelaha Digil iyo Mirifle uu hunguri ka galay inay qabtaan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ee sanadkan, taasi oo siyaasadii ka dhigtay mid xiiso gaar ah leh.
Wararka ku dhaw Musharax Shariif Xasan ayaa sheegaya inuu kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka u wado laba nin oo kasoo kala jeeda beelaha Daarood iyo Hawiye haddii midkood uu ku guuleysto si uu isagana jaanis ugu helo xilka Madaxweynenimada Soomaaliya kuwaasi oo kala ah : Prof, Jurrile iyo Musfaf Dhuxulow. Waxaana haddii labadan nin mid uu soo baxo uu noqonayaa inay beeshiisa ka harto u tartanka xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.
Tusaale: Hadddii uu Jurrile ama qof kale oo Daarood ah xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ku guuleysto waxaa tartanka Doorashada Madaxweynenimada isaga hari doona musharixiinta ay ka mid ka yihiin Dr, Maxamed Abdilaahi Farmaajo iyo Prof, Abdiweli Maxamed Ali “Gaas” kuwaasi oo kasoo wada jeeda beelaha Daarood.
Dhinaca kale haddii Mustaf Dhuxulow ama qof kale oo kasoo jeeda uu xilka Gudoomiyaha baarlamaanka kusoo baxo waxaa iyagana tartanka doorashada madaxweyne ka rajo dhigi doona siyaasiyiinta ay ugu horeeyaan Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Col, Abdilahi Ahmed Cadow iyo Abdilahi Baadiyow kuwaasi oo iyagana kasoo wada jeeda beelaha Hawiye.
Laakiin waxaa iminka bilowday saadaal la dhihi karo xilka Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa mar kale kusoo bixi kara siyaasiyiin kasoo jeeda Bay iyo Bakool kuwaasi oo ay kala wataan siyaasiinta kala ah Maxamed Abdilaahi Farmaajo , Abdiweli Gaas iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Haddaba aan mid mid idin baro saddexda siyaasi ee la filan karo inay xilkaasi kusoo baxaan .
1: Xildhibaan Shiikh Aden Madoobe oo horey usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana dagaal siyaasadeed uu kala dhexeeyo Shariif Xasan Shiikh Aden ayaa iminkana waxaa uu mar kale u xusul-duubayaa inuu xilkaasi qabto. Waxaana uu taageero ballaaran ka heystaa Madaxweyne Shiikh Shariif, Baadiyow iyo Farmaajo.
Waxaa iminka uu noqday Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka cusub waxaana uu bilaabay kulamo la qaadasho xildhibaanada ay isku xulufada yihiin kuwaasi oo u badan ragii kasoo horjeeday Shariif Xasan ee la safnaa Madoobe Nuunow xilliga guddoomiyaha loo doortay.
2: Prof, Maxamed Cismaan Jawaari oo isagana horey usoo noqday guddoomiyaha gudiga dastuurka Soomaaliya islamarkaana ahaa wasiir ka tirsanaan jiray xukuumadii Dowladii Kacaanka ee uu hoggaamin jiray allaha u naxariistee Gen, Maxamed Siyaad Barre ayaa iminka waxaa uu kusoo biiray siyaasada Soomaaliya.
Waxaa uu noqday Xildhibaan cusub iyaddoo dadaalka uu baarlamaanka ugu soo biirayey ay gacan ka geysteen dowlada Norwey oo sharciga weyn ka heysto muddadii burburkana uu ku noolaa iyo Labbada Musharax ee kala ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Maxamed Abdilaahi Farmaajo kuwaasi oo midba gaarkiisa ula sameystay siyaasad ku dhisan haddii aad wax noqoto wax ila qabo.
Ninkan waa aqoonyahan ka nadiif ah dhammaan dhibaatadii dalka ka dhacay,waxana intii ay dagaalada socdeen uu ahaa macalin wax ka dhigayey dalka Norwey.
3: Ninka sadexaad waxaa Abdixakiim Xaaji Fiqi oo ahaa mar wasiirkii gaashaandhiga Xukuumaddii TAYO ee uu hoggaaminayey Dr, Maxamed Abdilaahi Farmaajo. Waxaa uu dadaal ugu jiraa sidii uu xilkaasi ugu soo bixi lahaa inkastoo lagu muransan yahay xubinnimada baarlamaanka uu uga mid noqon lahaa.
Waxaana isagana uu xirir dhaw la leeyahay oo saaxiibtinimo Dr, Farmaajo oo isaga ka dhigay mar wasiirka wasaarada gaashaandhiga.
Sadexdan nin ayaa la dhihi karaa waa ugu cadcad yihiin xilka Guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. Haddii ay kusoo baxaana waxay noqon doontaa utun ama nabar xanuun badan oo ka hara Dr, Farmaajo, Prof, Abdiweli Gaas iyo Shiikh Shariif.
Ma sahlana in saadaal degdeg ah laga bixiyo sida xaalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iminka u socdo,waxaana wax waliba ay ku xiran yihiin doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka taasi oo gogoldhig u noqondoonta cidda loo saadaalinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintan kala soco Shabakadda Warbaahineed ee Kismaayo24.com
Abdiweli Ibrahim Garyare
Odijk,Utrecht, Netherlands.
garyare139@yahoo.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3577

