ibrahim
|

Xaqiiqda Daawooyinka Iyo Somalida!

Daawadu waxa ay halis noqotaa ama waxna u tarin bukaanka qaadanaya marar badan, qasabne maahan sida somalida u taqaano inay daawada la dhaafay waqtigeeda oo kaliya (Expired).

Hadaba sida aan wada ogsoon nahay wadankeena Soomaaliya waxa ka jiro shirkado badan oo ka gancasada keenista daawooyinka kana faa’iday lacag badan oo arrintaan ku saabsan, iyadoo daawadu eysan wax tar laheen. .shirkadahaasi ee  badankooda Soomaaliya ka shaqeesto ee aan la ogeen meesha ay daawada ka keenaan, kuna qortaan  daawada inay ka keeneen qaar ka mid ah wadamada yurub  sida Jermalka,  markii la tix raacayne la ogaaday in daawadaas lagu soo farsameeyay wadan kale.

 

Waxaa kaloo jirto in ey dhakhaatiirada qaarkood ay leeyihiin shirkado waaweyn oo ka beecmushtara daawooyin aan tayada  laheen iyadoo eysan u  ogoleen bukaankooda in ey qaatan  daawo aan aheen mida uu isaga qoray, daawadaas oo la ogyahay inay waxtarkeeda ey aad u hooseyso.


Goormee ayaa la dhihi karaa Daawadaani sax ma ahan am  waa “Fake”

  • Daawo dhacday oo taariikhda laga soo badalay kadibne suuqa lagu soo celiyay
  • Daawo lagu yareeyay ama lagu badiyay maadada waxtarka leh (badanaa dawada inta faaidada leh ee ku jirta way yartahay.)
  • Daawo aan waxtar laheyn (wixii faaidada lahaa aan lagu darin)
  • Daawo waxa ku jira ee waxtarka leh aan loogu tala galin (Incorrect active ingredients)
  • Daawo shirkad kale ama wadan kale lagu soo qoray si loo khaldo dadka iibsanaya
  • Daawo wadan kale magaciis lagu soo qoray
  • Daawo aan ogolaasho helin oo baaritaan dhameestiran lagu samaynin.

 

Hadaba 60% wadamaada soo koraayo oo eynu ugu horeeyno hadii aan soomaali nahay ayaa ah waxyeelada ugu badan ey ka soo gaarto daawooyinkaas aan saxa aheen ama maba waqtigoodii dhacay “Expired”.

Een tiro yar oo gaareeso 10% ayaa aduunyada laga isticmaalaa dawooyinka aan saxa aheen waxaana laga faa’idaa sanadkii lacag dhan $32 billion.

Wadamada soo Koraayo daawooyinka laga isticmaalo kuwooda aan saxda aheen amaba waqtigoodii la dhaafay  tiradooda  guud ahaan waa 25%.

 

WHO”World Health Organization” ayaa soo saartay liis ey ku sheegtay wadamada ugu horeeyo ee soo saaro dawooyinka dhacay ama aan wax tarka laheen, waxayn kala yihiin, Inidia 75%, Egypt 7%, China 15%, een afar sano ka hor waxa uu ahaa 6% wadanka China..

Badanaa  shirkada sameeyo daawoyinkaan waa shirkado waa weyn oo caalami ah laakin si qarsoodi aha ayey u sameeyaan iyagoo heshiisyo lagalo shirkada ku yaalo wadamada ey u iib geeyan .

 

Wadamada ey suuqa fiican ey ku lee yihiin waa kuwo aan laheen xeerar lagu baaro daawooyinka eyna ugu horeeso wadankeena Soomaaliya.

Wax aad u daran hadii qofkii keenay daawooyinka  (Shirkad) kii qoray (Dhaqtar) kii gaday (farmashiiste) iyo kii qaatay (Bukaan) eysan wax is dhaamin.. Laakin taas waxa ka sii daran hadii uu qofka isticmaalo daawo lagu daaweeyo cudur halis ah uusan asigane qabin sida Tiibishada ama AIDS.

 

Marka waxaan ku soo gaba gabeen lahaa in ey bushadu soomaaliyed ey badisho wacyi gelinta ku aadan arrintaan oo halisteeda ah keeni karto dhibaato aad u daran oo aan hadhow wax laga qabin,, Inkastoo ey hadaba nagu gaartay.. hadane waxaan qabaa in aan weli fursad aan heeso oo aan ku wacyi gelin karno bulshadeeda..

 

Een shirkaha keeno daawooyinka noocaas waxaan dhihi lahaa Ilaahina ka baqa midaan waa aduunyo waa lagi doonaa oo hadhow isxisaabin ayaaa idin sugeeso Rabi xagiisa ah.. Dhaqaatiirka waxaan kula dardaarmi lahaa in ey  bukaankooda daawada ey u qorayaan ey noqoto mid wax tar leh eysan noqonin mid uun iska qor ah ogow adiga mas’uuliyad ayaa dhinacaaga kaa saran ,, waa la mid kan Farmashiga fadhiga.

 

W/D:- Dr.Mohamed Mohamud Derow.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3558

Posted by on Aug 23 2012. Filed under Caafimaadka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan