|

Madaxweyne shariif oo kulan xasaasi ah la yeshay danrjiralaal ka socday yurub iyo Amerika,(Akhriso Wax yaabaha ka so baxay ku lankasi)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa  kulamo kula qaatay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde qeybta VIP-da Danjirayaal ka kala socoday wadamada Mareykanka,Ingariiska iyo Midowga Yurub.

Kulanka uu Madaxweynha la qaatay danjirayaasha oo irdaha ay u xirnaayeen  ayaa  ka warbixiyay kadib kulanka waxa ay isla soo qaadeen,waxaana uu sheegay in kulankooda ku saleysnaa dhameystirka xubnaha ka dhiman Baarlmaank si loo dhameystiro dedaalada loogu jiro madaxtinimada dalka,waxaana uu madaxweynahu sheegay in ay isla afgarteen hadii la celiyo xubnaha hada maqan   aysan wax saameeyn ah ku yeelan doonin mustaqbalkooda  taasi oo loola jeeday in wax danbi ah aysan lehey.

“Wada hadalkeenu waxaa uu ku saabsanaa liiska inta hartay sidii loo xalin lahaa iyo in aragti la iska dhaafsado marka hore in liiska uu soo yaraado oo meeshaan uu soo gaaro waxaa ay aheyd guul marka labaadna in laga wada shaqeeyo liiska dhameystirka inta dhiman wada hadalkiisna la sii wado dadka la heystana in aan loo heysan danbiyo ay ku xakuman yihiin,Maxkamadana aysan aheyn,xitaa qofkii ka haraan noloshiisa saameyn aysan ku yeelan doonin”Ayuu yiri Madaxweyne sheikh Shafiir.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmahan u guntaday sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen dowlada buuxda oo aan KMG aheyn  taasina la gaari doono marka uu Baarlamaanka doorto hogankiisa iyo Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo xukumada Soomaaliya.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3759

Posted by on Aug 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented