|

Magacyada Raga u tartamaya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa oo la shaaciyey.(Akhriso)

Guddiga doorashooyinka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka iyo labadiisa ku-xigeen ayaa sheegay in musharaxiin fara badan ay ilaa soo gaarsiiyeen araajida iyagoo doonaya iney u tartamaan gudoomiyaha baarlamanka iyo ku-xigeenadiisa.

Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1)Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari)
2)Prof. Cali Khaliif Galeyr
3)Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile).
4)Xasan Abshir Faarax
5)Cabdi Xaashi C/laahi iyo
6)C/rashiid Maxamed Xidig.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa taagan 9 xubnood, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin sida tan:-

1)Cawli Ibaarhin Muudey
2)C/dalla Boos Axmed
3)Maxad Cali Xagaa
4) Tahliil Cabdi Maxamed
5)Bashiir Maxamed Jaamac
6) Siciid Maxamed Cali
7)Prof. Maxamed Cumar Dalxa
8) Jeylaani Nuur Iikar
9) Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Halka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ay iyana u taagan yihiin ilaa 3 xubnood kala ah:-

1)Cismaan Cilmi Boqorre
2)Mahdi C/dulle Cawad iyo
3) Siciid Maxamed Cali.

Guddiga doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa sheegay inay dib u dhacday muddo labo maalmood ah doorashadii Baarlamaanka ee lagu waday inay qabsoonto maalinta Axada ah.

Afhayeenka Guddigaasi Cismaan Libaax ayaa sheegay in 27-ka bishan ay jeedin doonaan khudbooyin ku aadan wax-qabadkooda iyo taariikh nololeedkooda, 28-ka bishan la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo maalinta 29-aad ee ku xigtana la dooran doono Guddoomiye ku xigeenada.

www.qubanaha.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3735

Posted by on Aug 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented