Maxaytahay Sababta keentay in dib loo dhigo doorasahda Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya?.
War kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada oo loo balansanaa inay dhacdo maalinta berri ah ee 26-ka Bishan ay dib ugu dhacday maalinta Talaadada ee 28-da Bishan.
Qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa u taagan 6-musharax, halka xilka Guddoomiye kuxigeenka koowaad ay u taagan tahay 9-musharax iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad oo u taagan tahay 3-musharax.
Afhayeenka guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Libaax ayaa rajo ka muujiyay in wax kastaa ay ku qabsoomaan wakhtiga loogu talagalay.
Dhanka kale Xildhibaan Cusmaan Libaax oo ah Afhayeenka guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay inay soo dhamaystireen qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in shalay galab lixdii maqribnimo lasoo gaba gabeeyey araaji qabashada, kadibna ay guda geli doonaan hawlaha kale ee doorashada, waxaana uu xusay in 6-musharax ay isku soo taageen xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, halka 9-musharax ay isku soo taageen Guddoomiye kuxigeenka koowaad iyo 3-isku soo taagay xilka Guddoomiye kuxigeenka labaad.
Afhayeenka guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay waxa xigi doona doorashada Guddoomiyaha iyo labada kuxigeen, waxaana uu sheegay in markaasi kadib la guda geli doono doorashada Madaxweynaha.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3704