|

Orodyahanka ku guuleeystay labada billadood ee dahabka Mo Faarax ayaa ku dhaawaqay in laba gabdhood oo mataano ah u dhasheen maanta.

Mo Faarax oo u warramayay telefishinka Sky News ayaa sheegay in xaaskiisa Tania, ay dhashay laba gabdhood oo qurux badan, isagoo intaa sii raaciyay “waxaan idiin hayaa war wanaagsan oo aan idin la qeybsado.

Cayaartooyga MO Faarax ayaa waxa uu markii uu ku guuleystay labada billadood ee dahabka uu sheegay in uu u hibeynayo labadiisa gabdhood ee dhalan doona.

Mo Faarax ayaa waxa uu adeer u ahaa gabar yar oo la yiraahdo Rihanna, oo xaaskiisa ay dhashay.

Mar la weydiiyay in inuu xaaskiisa isbitaalka ugu tagi doono, Mo Faarax oo hadda jooga magaalada Birmingham oo uu kaga qeybgalayo cayaaraha Aviva Grand Prix, waxa uu yiri”Maya, maya, maya, berri ayaan tartan leeyahay sow ma ahan.”

Mo Faarax oo 29, jir ah waxa uu jabiyay rikoorkii u yaalay cayaaraha Britain.

Mr Faarax, oo ku dhashay Soomaaliya waxa uu yimid dalkan Britain isaga oo 8 jira ah.

www.qubanaha.com

xigasho Bbc

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3741

Posted by on Aug 25 2012. Filed under Cayaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented