|

Shabaabkii ku jiray Buuraha Galgala Qaarkood oo Puntland is ku dhiibay.

Ciidamadaan oo wata gaadiid dagaal ayna hugaaminayaan saraakiil sare sare oo si aad ah looga yaqaano deegaanada M/mulka puntland   ayaa maanta waxaa ay isu soo dhiibeen maamulka goboleedka puntland kuwaas oo ka soo goostay  Ciidamada dhaq dhaqaaqa al shabaab ee  ku sugan Buuraleeyda gal gala ee G/Bari .

Waxaa la sheegay in Ciidamada ka soo goostay Shabaabka ku sugan gal gala ay hugaaminayaan ilaa 3 sargaal oo sar sare kuwaas oo uu ka mid yahay sargaal lagu magacaabo Daa.uud  Khaliil oo si wayn loga garanayo gobolada uu maamulo M/puntland.

Sargaal u hadlay Ciidamada Daraawiishata M/mulka puntlan oo ku sugan buuraha goolis ayaa warbaahinta waxaa uu u sheegay in hada ciidamadaasi gacanta ku hayaan oo ay isu soo dhiibeen  waxaana  uu shaaca ka qaaday  in Ciidamadaan tiradooda guud ay saxaafada usoo bandhigi doonaan goor dhaw isagoo baaqna ujeediyay Dagaal yahanada al shabaab ee ka dagaalamaya Buuraleyda Gal Gala .

M/mulka puntland ayaa waxaa uu dagaal adag kula jiraa dagaal yahanada al shabaab oo iyagu bilihii dambe ku sii badanayay deegaanada uu M/mulkaasi ka arimiyo waxaana mudo hal sano ku dhwaad ah isku hor fadhiyay buuraha gal gal ciidamo uu wato Ninka lagu Magacaabo Sheikh Maxamed Siciid Atam in kastoo ay markii dambe ku biireen Al Shabaab.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3752

Posted by on Aug 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented